4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 5 , 2012
Somaliland oo sheegtay in Waftigii Reer Jabuuti Isfahan la’aan looga celiyay xadka, lana dhameeyey khaladkii dhacay

Sabti, May 05, 2012 (HOL) — Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay sababta wefti ka socda Jabuuti looga celiyey xadka ay ahayd Isfahan la’aan weftiga iyo maamulka gobolka Selel, waxaanu sheegay in aanay xukuumadda Somaliland ka war hayn imaanshaha weftiga, taasina ay keentay in laga horjoogsaddo inay gudaha xadka usoo gudbaan.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Dr:Maxamed Cabdilaahi Cumar oo warbaahinta la hadlayey ayaa sheegay in arrintaasi ay markii ay timid ka wada hadleen Jabuuti, isla markaana ay dhameeyeen Isfahan la’aantii timid, isagoo tilmaamay in marka weftiyo isku soo gudbayaan la iska war hayo si qolo waliba hawlaha ay doonayso loo fududeeyo.

"Dawladda Somaliland kama war hayn horana umaanan ogayn in masuuliyiin ka socota dawladda Jabuuti inay xadka ka soo talaabayaan,waxayna ahayd in marka masuuliyiin sarsare xadka ka soo talabayaan ay dawladu ogtahay"ayuu yidhi wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland, waxaan intaas ku daray "arintaasi may ahayn arrin weyn waxay ahayd isfahan la’aan ka dhex dhacay masuuliyiinta gobolka Selel iyo dadka dhinaca jabuuti ka soo galay, waana arrin imika dhamaatay oo aanu ka wada hadalnay anaga iyo Jabuuti"ayuu raaciyey Dr:Cumar wasiirka Arrimaha dibadda Somalilnd.

Khamiistii toddobaadkii hore ayaa laba wefti oo ka socda Jabuuti laga joojiyey magaalo xuduudeedka Lawyo-Cado inay soo galaan, iyagoo doonayey inay usoo gudbaan dhinaca Somaliland gaar ahaan magaaladda Saylac oo ay ka wadeen mashaariic horumarineed, iyadoo labadda wefti ay laba wakhti oo kala duwan yimaadeen magaalo xaduudeedda lawyo-cado, waxaana la sheegayaa in amarkaasi uu bixiyey taliyaha qaybta gobolka Selel iyo Badhasaabka gobolkaasi, iyadoo wararku sheegayaan in lala socodsiiyey amarkaasi weftiga lagu celiyey wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland iyo Taliyaha booliskaba.

Haseyeeshee, Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Mr:Maxamed Nuur Caraale Duur ayaa shalay isna safar ugu anbabaxay dalka Jabuuti, iyadoo aan la sheegin sababta safarkaasi inay ku lug leedahay weftiga la celiyey iyo in kale, balse wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland ayaa sheegay in aanay shaqo ku lahayn safarkaasi uu wasiirka Arrimaha gudaha somaliland ku jooga Jabuuti, safarkaasina ay horeba ugu qorshaysnayd inuu ku tago Jabuuti.

Jabuuti ayaan iyana ilaa hadda ka hadal labadaasi wefti ee xadka laga celiyey, iyadoo wefti xildhibaano, gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Xisbi xakinka KULMIYE iyo wasiirro Somaliland ahiba ku sugan yihiin dalka Jabuuti oo hawlo kala duwan u jooga dalkaasi.

Barkhad-Ladiif M. Cumar
[email protected]
Hargeysa, Somaliland