4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 5 , 2012
Madaxweynaha Soomaaliya oo xilkii ka qaaday Maareeyihii Dekedda Muqdisho

Sabti, May 05, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa xilkii ka qaaday maareeyaha dekedda Muqdisho, Sayid Cali Macallin Cabdulle oo muddo hal sano ah xilkaas hayay.

Xil ka qaadistan ayaa timid kaddib markii madaxweynaha iyo mas'uulkan ay kulan ku yeesheen xarunta madaxtooyada Soomaaliya, iyadoo aanay jirin cid kale oo xilkan loo magacaabay.

Lama sheegin sababta keentay in xilka laga qaado maareeyaha, balse warar hoose ayaa sheegaya inuu tanaasul sameeyay, kaddib markii mid ka mid ah beelaha Muqdisho ay dalbatay in dekedda loo dhiibo.

Mas'uulkan xilka laga qaaday ayaa waxaa sannadkii hore u magacaabay xilkan madaxweyne Sheekh Shariif, iyadoo maareeyihii hore ee dekedda uu aqbalay xil ka qaadista.

Dekedda weyn ee Muqdisho ayaa ah goobta ugu muhiimsan ee uu dowladda KMG ah kasoo galo daqliga ay ku shaqeyso, mana ahan markii ugu horreysay oo maareeye deked laga qaado xilka, balse waxaa horay looga qaaday xilka maariyihii hore Cabdi Jiinoow Calasoow oo muddo sannado ah xilkaas hayay.

Warar oo ay HOL helayso ayaa sheegaya in madaxweynaha dowladda KMG ah ee Soomaaliya lagu wado inuu sida ugu dhaqsiyaha badan jagada u buuxiyo, inkastoo aan la ogeyn cidda uu u magacaabayo, sidoo kalena aysan jirin mas'uul u sharraxan oo la ogyahay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya