4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 5 , 2012
Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya oo dalbaday in xorriyadooda loosoo celiyo Qaar ka mid ah Ilaaladiisa oo u xiran Qaraxii Tiyaatarka

Sabti, May 05, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, C/weli Maxamed Cali ayaa ka dalbaday guddoomiyaha maxkamadda ciidamada Qalabka sida ee DKMG ah inuu sida ugu dhaqsiyaha badan xorriyadooda ugu soo celiyo ilaaladiisa qaarkood kuwaasoo u xiran tuhun la xiriira qaraxii ka dhacay horraantii bishii hore Tiyaatarka Muqdisho.

Qaraxaas oo ay ku dhinteen toddoba qof ayna ku dhaawacmeen in ka badan 25-qof oo ay ku jireen suxufiyiin ayaa waxaa geysatay gabar dhallinyaro ah, taasoo laga shakisan yahay sidii ay kusoo gashay Tiyaatarka oo ay ka socotay xuska sannad-guuradii koowaad ee kasoo wareegtay dib u howgelintii Telefishinka Soomaaliya.

Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa qoraalkiisan codsiga ah oo soo baxay Arbacadii lasoo dhaafay, wuxuu ku sheegay in isagoo tixgelinaya howsha guddiga baarista qaraxii tiyaatarka isla markaana eegaya xuquuqda uu muwaadinta uu codsanayo in haddii aanay jirin dambi dadkaas lagu horgeynayo maxkamad xorriyadooda dib loogu soo celiyo.

Xubnaha uu ra'iisul wasaaruhu dalbanayo in xorriyadooda loosoo celiyo ayaa waxay magacyadoodu kala yihiin:

  1. G/sare, Maxamed Cabdi Qaybdiid
  2. G/lle, Maxamed Daahir Cabdulle
  3. Dhamme, Cabdiweli Maxamed Ilig
  4. Dable, Cabdi Yaasiin Cali
  5. Dable, Qadro Daahir Xalane
  6. Cismaan Ibraahim Macallin Cali
  7. Maxamed Faarax Cali iyo
  8. Cabdfiitaax Cali Xasan

Dhammaan dadkan oo la xiray bartamihii bishii hore ayaa waxay ku xiran yihiin xabsi ay leeyihiin ciidammada nabadsugidda DKMG ah oo ku dhow madaxtooyada iyadoo aan weli wax maxkamad ah lasoo taagin.

Qoraalka ra'iisul wasaaruhu uu ku dalbanayo sii daynta xubnahan ilaaladiisa ka mid ahaa ayaa wuxuu soo saaristeeda u cuskaday qodobbada dastuurka ee kala ah: qodobka 16-aad farqaddiisa labaad iyo lixaad, qodobka 17-aad farqaddiisa labaad xarafka A, qodobka 48-aad, 52-aad iyo 53-aad.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya