4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 4 , 2012
Guddoomiye Tarzan oo Turkiga u dhoofay


Jimco, May 04, 2012 — Waxaa goor dhow garoonka diyaaraha caalamiga ah ee Aadan Cadde ee Muqdishoka duulay wafdi uu hogaaminayo duqa magaalada Muqdisho ahna guddoomiyaha gobolka Banaadir oo ku sii jeeda magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga.

Socdaalka wafdiga duqa Muqdisho ee dalka Turkiga uu ku tagayo ayaa yimid kadib casuumaad rasmi ah oo dowladda hoose ee XAMAR ay ka heshay dhiggeeda magaalada ISTANBUUL.

Xubnaha socdaalka shaqo ee guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ku wehliyo ayaa waxaa ka mid ah ku xigeenkiisa dhanka maamulka iyo maaliyadda mudane Iimaan Nuur iikar, urban planner ka Muqdisho mudane Eng. Maxamed C/qaadir Axmed Shaan, la-taliayah duqa magaalada mudane Cali Gaabow iyo xunbno kale.

Socdaalka duqa magaalada iyo wafdigiisa ay ugu amba baxeen dalka Turkiga ayaa waxa uu qeyb ka yahay dadaalada maamulka gobolka Banaadir uu ugu  jiro horumarinta magaalada iyo soo celinta bilicdii Muqdisho.


Ajandayaasha kulanka magaalada ISTANBUL  ku dhexmari doona wafiga duqa magaalada Muqdisho iyo masuuliyiinta dowladda hoose ee ISTABUL ayaa waxaa ugu waa weyn, sidii loo sii adkeyn lahaa xiriirka walaaltinimo ee Somalia iyo Turkiga iyo sidii Muqdisho ay Turkida ug a fulin lahayeen mashaariic horumarineed.

Wafdiga uu horkacayo duqa magaalada Muqisho ayaa la filayaa in booqashadooda ay qaadato muddo usbuuc ah.



Xafiiska Gudoomiyaha Gobolka Banaadir
Muqdisho, Soomaaliya