4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 4 , 2012
Afhayeenka Al-shabaab oo sheegay inay fashiliyeen Shirkii Dhuuso-mareeb oo uu ku sheegay Shirqool ay Itoobiya wadatay

Jimco, May 04, 2012 (HOL) — Afhayeenka Al-shabaab, Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere) oo wareysi siiyay idaacadda Andulus oo ku hadasha codka Al-shabaab ayaa sheegay inay ku guuleysteen inay fashiliyaan shir lagu doonayay in dhibaatooyin looga abuuro gobollada dhexe oo muddo sannad ah lasoo qorsheynayay.

Sheekh Cali Dheere wuxuu sheegay in qorshayaas uu ahaa mid ay wadatay dowladda Itoobiya oo ay ciidammo kaga sugan yihiin gobolkaas, isagoo sheegay in mid ka mid ah xoogaggooda uu ku guuleystay inuu fashiliyo shirkaas.

"Waxaan fashilinnay shir ay xildhibaanno iyo xubno kale oo xiriir la leh Itoobiya ku doonayeen inay dhibaatooyin kaga abuuraan gobollada dhexe," ayuu yiri Sheekh Cali Dheere oo intaas ku daray inay qorshe walba oo midkan la mid ah weerar la beegsan doonaan.

Afhayeenku wuxuu sheegay in xubnihii shirkaas waday ay qaarkood halkaas ku dileen qaar kalena iyagoo dhaawacyo kala duwan qaba loo qaaday dalka Itoobiya si loogu soo daweeyo.

"Qorshahan wuxuu ahaa mid ay Itoobiya wadato, waxaana naga go'an qorshe walba oo la doonayo in lagu dhibaateeyo ummaddan muslimka ah inaan sidan oo kale uga hortagno," ayuu afhayeenku hadalkiisa ku daray.

Ugu dambeyn, afhayeenku wuxuu sheegay in weerarkii ka dhacay Dhuusomareeb uu digniin u yahay cid walba oo qorshayaal gurracan wadata, isagoo ugu baaqay inay ogaadaan inaysan jirin goob ay kaga badbaadi karaan Xarakada Al-shabaab.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya