4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 4 , 2012
Madaxweyne Shariif oo sheegay inaysan Aqbalayn Dastuurka oo la diido Laakiin ay ogol yihiin in qodobadiisa laga hadlo

Jimco, May 04, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariikh Sheekh Axmed oo shalay booqday xarunta gaadiidka booliiska oo lagu wado inuu ka furmo shirka lagu ansixinayo dastuurka cusub ee Soomaaliya, ayaa sheegay inaysan aqbali karin in dastuurka laga soo horjeesto, laakiin ay ogol yihiin in qodobbadiisa laga doodo.

Sheekh Shariif ayaa sheegay in shirka ansixinta dastuurka uu furmi doono berri oo Sabti ah ama maalinta xigta ee Axadda wuxuuna xusay in dastuurka ay ansixin doonaan wakiillada odayaasha oo aan la ogolaan doonin in cid aan wakiil ahayn ay ka qaybqaadato ansixinta dastuurka iyo xulidda xildhibaanada.

"Waa inay meesha ka baxdo dastuurka ma doonayno, balse arrintu ahaato oo keliya qodobkan ayaa wax ka qaldan yihiin ee hala saxo," ayuu yiri Sheekh Shariif oo kula hadlayay wariyeyaasha xarunta gaadiidka booliiska.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in dastuur la'aan aan la noolaan karin, isagoo xusay inay socda qorshayaal lagu doonayo in dadka ay argtidooda ka dhiibtaan dastuurka ka hor inta aan la horgeyn guddiga ansixin lahaa.

"Qofkii fikir haya waa inuu fikirkiisa soo gudbiyo, waana in lagu dadaalo inaan wax lahaanno," ayuu madaxweynuhu yiri mar kale, isagoo sheegay in markii dastuurka la ansixiyo kaddib ay sii soconayso wax ka badalkiisa illaa inta laga gaarayo in afti guud loo qaado.

Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu sidoo kale soo dhaweeyay warsaxaafadeedkii kasoo baxay ururka Midowga Afrika, Qarmaada Midoobay iyo IGAD, kaasoo loogu digay kooxo lagu sheegay qas-wadayaal, isagoo sheegay inaan la ogolaan karin in fidno la abuuro.

Ugu dambeyn, Sheekh Shariif wuxuu sheegay in dastuurka ansixintiisa la hormarin doono markaas kaddibna la xuli doono xidhibaannada, isagoo sheegay in Muqdisho ay sharaf weyn u tahay in lagu qabto shirweyne lagu ansixinayo dastuurka laguna sameynayo isbedel dowladeed oo baaxad weyn.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya