4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 4 , 2012
Madaafiic Xalay lagu Weerarya Xarynta Madaxtooyada Soomaaliya iyo Al-shabaab oo mas'uuliyadda Weerarkaas

Jimco, May 04, 2012 (HOL) — Markii afaraad sannadkan oo keliya ayaa waxaa lagu weeraray xalay madaxtooyada Soomaaliya madaafiic culus, kuwaasoo qaarkood ku dhacay gudaha xarunta madaxtooyada, halka kuwo kalena ay ku dhaceen goobaha ku dhow.

Duqeymahan oo ay sheegtay mas'uuliyaddooda ayaa waxaan la sheegin khasaare ay geysteen, sidoo kalena lama oga halka laga tuuray, inkastoo Al-shabaab ay dhowr jeer oo hore sheegeen inay xoogaggooda ku sugan yihiin gudaha Muqdisho ayna sii wadayaan duqeynta madaxtooyada Soomaaliya.

"Madaafiic badan ayaa dusheenna maray qaarkood waxay ku dhaceen gudaha Villa Somalia kuwo kalena hareeraheeda, mana garan karno khasaaraha ay geysteen," ayuu yiri mid ka mid ah dadka daggan xaafadaha ku dhow madaxtooyada oo la hadlay saxaafadda.

Dowladda Soomaaliya ayaan ka hadlin duqeyntii xalay loo geystay madaxtooyada iyadoo weerarkan lagu soo beegay xilli lagu wado inuu Muqdisho ka furmo maalmaha soo socda shirka lagu ansixiyo dastuurka Soomaaliya.

Al-shabaab ma sheegin khasaaraha ay duqeynta ku geysteen, balse saraakiishoodu waxay sheegeen inay duqeymaha noocan oo kale ah sii wadi doonaan tan iyo inta ay ka gaarayaan hadafkooda oo aanay sheegin.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxay ku taallaa bartamaha Muqdisho, waxaana sannadkan uu noqonayaa markii ugu horreysay oo afar jeer la weeraro tan iyo markii Al-shabaab isaga baxeen magaalada Muqdisho bishii Ogoosto ee sannadkii hore.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya