4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 31, 2012
Madaxweynayaasha dalalka Uganda iyo Eritrea oo kulan ay ku yeesheen Asmara uga hadlay Arrimaha Soomaaliya

Khamiis, May 31, 2012 (HOL) — Madaxweynaha dalka Uganda, Yoweri Museveni oo booqasho laba maalmood ah ku tagay magaalada Asmara ee dalka Eritrea ayaa kala hadlay arrimaha Soomaaliya madaxweynaha Eritrea, Issias Efwerki, iyagoo isku raacay in gacanta laga geysto xalislinta Soomaaliya.

Labada madaxweyne ayaa waxay si aad ah uga hadleen arrimaha dalka Soomaaliya oo ay dagaallo ka socdeen muddo laabtan sano ku dhow, waxayna kulammadooda kaddib u sheegeen warbaahinta inay isku mowqif ka taagan yihiin xal loo helo Soomaaliya iyo Suudaan.

"Markii aan kulannay waxaan ka hadalnay arrimo badan, runtiinna dhammaantood waan isku afgarannay," ayuu yiri Afwerki oo sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay booqashada labada maalmood ah ee uu Museveni ku joogay dalkiisa.

"Waxaan Museveni ku taageersanahay arrimihii uu soo jeediyay oo dhan," ayuu Efwerki ku daray hadalkiisa, isagoo xusay inay ka go'an tahay inay wax qabashada dalalka gobolka ee ay dhibaatooyinku ka jiraan.

Madaxweynaha Eritrea wuxuu iska fogeeyay eedeymaya ay Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika u soo jeedinayaan dalkiisa oo ku aaddan inay Al-shabaab taageero siiyaan, wuxuuna eedeymahaas ku tilmaamay kuwo aan sal iyo raad lahayn.

"Dhibaatada ka jirta Soomaaliya ma ahan Al-shabaab, balse waxay u baahan tahay in ammaankii iyo kala dambeyntii dib loosoo celiyo," ayuu yiri madaxweynaha Eritrea oo sheegay in dalkiisa uusan taageerin Al-shabaab.

Madaxweynaha Uganda oo ay ciidammo fara badan ka joogaan Soomaaliya ayaa u dhoofay dalka Turkiga si uu uga qaybgalo shirka looga hadlayo mustaqbalka dalka Soomaaliya ee maanta ka furmay magaalada Istanbuul.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya