4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 31, 2012
Ciidamada Dowladda KMG ah ee Soomaaliya iyo kuwa Kenya oo la Wareegay gacan ku haynta Degmada Afmadow

Khamiis, May 31, 2012 (HOL) — Wararkii ugu danbeeyay ee aynu ka heleyno degmada Afmadow ayaa sheegaya in ciidamada dowladda KMG oo kaashanaya kuwa Kenya ay si buuxda ula wareegeen degmada Afmadow ee Gobolka Jubada Hoose.

La wareegidda ciidamada huwanta ah ee magaalada Afmadow ayaa ka danbeeysay dagaallo xooggan oo ilaa saaka ka socday duleedka degmada Afmadow, waxayna arintaasi keentay in xoogagga Al-shabaab ay gabi ahaanba isaga baxaan magaalada Afmadow.

Goobjooge ku sugan Afmadow ayaa HOL u sheegay in ciidamada dowladda, kuwa Raaskaambooni iyo Militariga Kenya oo aad u qalabeysan ay gudaha usoo galeen magaalada, waxayna ciidamadaasi fariisimo ka sameysteen gudaha iyo daafaha magaalada.

Degmada Afmadow oo qiyaastii 100KM u jirta magaalada Kismaayo ayaa mudo sanado ah waxa gacanta ku hayay xoogagga Al-shabaab, waxaana magaaladani ay tahay magaalo istaraatiji ah islamarkaasina muhiim u ah isu socodka gobollada Jubada Hoose iyo Jubada Dhexe.

Xaaladda degmada Afmadow ayaa haatan ah mid kacsan, iyadoonta inta badan dadkii daganaa ay isaga barakaceen kadib markii ay saaka dagaallo iyo duqeymo xooggan ka bilowdeen gudaha iyo daafaha magaalada.

Saraakiisha dowladda KMG iyo kuwa Raaskaambooni oo aan xiriirro la sameynay ayay inoo suurogeli weysay in aan ka helno wax faahfaahin ah oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay dagaalkii ka dhacay duleedka degmada Afmadow ee gobolka Jubada Hoose.

Dhanka Al-shabaab ilaa imika ma jiro wax war ah oo ku aadan dagaalka oo kasoo baxay, waxaana lagu soo waramayaa in dagaalyahannada Al-shabaab ay u jiheysteen wado aada dhanka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya