4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 30, 2012
MSF oo soo Dhaweysay Xukunkii lagu riday Ruux horay Muqdisho ugu dilay laba ka mid ah Shaqaalaheeda Ajnabiga ah

Arbaco, May 30, 2012 (HOL) — Hay'adda dhakhaatiirta aan xuduudda lahayn ee MSF ayaa sheegtay in lagu wargeliyay in Axmad Salaad Farey oo ah shaqaala hore oo MSF ka tirsanaa lagu helay dambi ah ah dilka laba ka mid ah shaqalaheena oo kala ahaa, Dr Karel Keiluhu oo loo yaqaana Kace iyo Phillipe Havet 29-kii December 2011, xilli ay labadan shaqaalaha ah ku jireen howlahooda iyadoo Axmad 30-sano o xabsi ah lagu xukumay.

Hay'adda MSF ayaa waxay ku sheegtay warsaxaafadeed ay soo saartay maanta oo Arbaco ah inaysan ka qaybqaadan dacwadda wax cadaadis ahna aysan saarin nidaamka sharciga ah ee dacwadan.

"Waxaan raalli ku nahay cadaaladda dhacday... maadaama tan ay tahay qayb ka mid ah samirka qoysaska iyo asxaabta saaxiibadood la dilay. Hay'adda MSF waxay cambaareyneysaa dhammaan rabshadaha ama hanjabaadaha ka dhan ah shaqaalaheeda," ayaa lagu yiri warka ay soo saartay MSF.

Sidoo kale, warbixinta hay'adda ayaa lagu yiri: "Kaddib dilalkaas MSF waxay ku qasabtay xaaladdaas inay soo afjarto dhammaan howlihii ay ka waday degmada Hodan ee gobolka Banaadir, iyadoo ay ka mid yihiin xiridda laba xarumood oo leh 120-sariir kuwaasoo lagu daweyn jiray nafaqa-darada, jadeecada iyo shubanka."

Hay'adda waxay sidoo kale sheegtay in ka hor intii aan la xirin xarumahaas ay caawin jireen illaa 200,000-qof oo Soomaali ah oo kuwaasoo kasoo cararay dagaallada deggenaana degmada Hodan.

"Xaaladda amaanka oo sii xumaaneysay awadeed MSF waxaa ay xirtay qaar ka mid ah mashruucyadii ay Soomaaliya kawadday waxayna dalka ka saartay shaqaalaha caalamiga ah," ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka MSF ay soo saartay.

Dhanka kale, hay'addu waxay sheegtay in bishii Oktobar sanadkii 2011, laba ka mid ah shaqaalaha MSF, Montserrat Serra iyo Blanca Thiebaut lagu afduubay xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab oo ku taalla Woqooyiga Kenya iyagoo Soomaalida halkaa ku sugan siinaya gargaar deg-deg ah. Illaa hadda waa la haystaa. MSF waxay si KMG ah u joojisay furidda mashruuc cusub oo aan deg-deg ahayn illaa gabdhahaas laga sii daynaya.

Ugu dambeyn, MSF waxay ugu yeereysaa dhammaan Soomaalida; jaaliyadaha, madaxda bulshada iyo gaar ahaan maamullada ka taliya goobaha shaqaalaheeda afduuban lagu haysto inay sameeyaan wax walbo oo ay awoodaan si gabdhahaas loogu soo siidaayo sida ugu dhakhsiya badan iyagoo bad-qaba iyo inay adkeeyaan ammaanka xarumaha caafimaad ee MSF iyo shaqalaheeda.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya