3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 30, 2012
Madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug oo Ogolaaday inay ka qaybgalaan shirka ka dhacaya Istanbuul


Arbaco, May 30, 2012 (HOL) — Madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug oo horay uga soo horjeestay ka qaybgalka shirka Istanbuul ee looga hadlayo arrimaha Soomaaliya ayaa sheegay inay ka qaybgalayaan iyadoo sheegay in la xalliyay khilaafkii sababay inay shirkaas ka qaybgalkiisa diidaan.

C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole iyo Maxamed Axmed Caalin ayaa horraantii toddobaadkan waxay ka sheegeen Addis Ababa in shirka Istanbuul uu yahay mid dano gaar ahaaneed laga leeyahay oo lagu saleeyay siyaasad.

"Shirka ka qayb-galkiisa waxaa horay uga soo saarnay war-saxaafadeed aan ku diidnay, waxaan shaki ka qabnay ururrada bulshada ee Muqdisho laga keenay iyo sida shirka loo maamulay, arrintaasna waan kawada hadlanay waxaana sheegnay sida aan u aragnay shirka iyo waxaan qabnay waana isla meel dhignay inaan shirka ka qaybgalno," ayuu yiri Madaxweyne Puntland, C/raxmaan Faroole oo BBC-da la hadlay.

Madaxweynaha Puntland wuxuu hadalkiisa ku daray in isaga iyo madaxweynaha Galmudug ay la kulmeen mas'uuliyiinta safaaradda Turkiga iyo saraakiil ka socotay wasaarada arrimaha dibedda ee Turkiga, kuwaasoo uu sheegay inay ka qanciyeen wixii ay tabanayeen.

"Innaga iyo mas'uuliyiinta Turkiga si toos ah ayaan uga wadahadalnay wixii aan ka tabaneynay shirka, Istanbuul ayaana toos u tagaynaa. Innaga Turkiga inaan si toos uga wadahadalno nabadeynta Soomaaliya door ayaan ku leennahay innaga iyo reer Galmudug waa u wada soconaa," ayuu Faroole hadalkiisa ku daray.

Madaxweynaha Puntland wuxuu sheegay in howsha socota ee Roadmap-ka aan waxb a laga bedeli karin isla markaana aan la keeni karin howl cusub oo siyaasadda la xiriirta, isagoo dowladda Turkiga ka dalbaday in la ixtiraamo heshiisyadii Garoowe, Gaalkacyo iyo Addis Ababa, shirkuna uu noqdo mid ku kooban rayi is-dhaafsi.

Sidoo kale, Faroole wuxuu sheegay in Puntland Galmudug laga qaadayo xubnaha bulshada rayidka iyo odayaasha dhaqanka kuwaasoo uu sheegay in la geynayo Jabuuti ayna ka qaadi doonto diyaarad ay leedahay dowladda Turkiga.

Dhanka kale, madaxweynaha Galmudug ayaa isaguna sheegay in go'aanka ay uga laabteen go'aankii ay horay ugu diideen ka qaybgalka shirka Istanbuul ay si wadajir ah uga laabteen isaga iyo madaxweynaha Puntland oo ay isla joogaan Addis Ababa.

"Waa isla joognaa aniga iyo Faroole waana wada fadhinnaa, si wadajira ah ayaana warkan u soo jeedinnay, wax gaar ah oo aan wadanayna ma jirto, waxaa ka wada cabanayno waa qaabka wax loo sameeyay iyo la tashi la'aanta, markaan wada-tashaynna sidaas ayay noogu dhammaantay," ayuu yiri Mudane Caalin.

Madaxweynaha Galmudug ayaa sheegay in isaga iyo madaxweynaha Puntland ay hal diyaarad isla raaci doonaan, balse ay kala matalayaan laba maamul. Iyadoo tani ay ka dhigayso in mowqifkii labadan mas'uul uu isku bedelay maalmo gudahood.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
5/30/2012 10:35 AM EST
Arbaco, May 30, 2012 (HOL) — Hay'adda dhakhaatiirta aan xuduudda lahayn ee MSF ayaa sheegtay in lagu wargeliyay in Axmad Salaad Farey oo ah shaqaala hore oo MSF ka tirsanaa lagu helay dambi ah ah dilka laba ka mid ah shaqalaheena oo kala ahaa, Dr Karel Keiluhu oo loo yaqaana Kace iyo Phillipe Havet 29-kii December 2011, xilli ay labadan shaqaalaha ah ku jireen howlahooda iyadoo Axmad 30-sano o xabsi ah lagu xukumay.

5/30/2012 10:11 AM EST
Arbaco, May 30, 2012 (HOL) — Booliiska Kenya ayaa sheegay maanta oo Arbaco ah in afar askartooda ka tirsan lagu dhaawacay weerar gaadmo ah oo kooxo hubeysan ay shalay ku qaadeen kolonyo gaadiid ah oo ay ciidamadooda wateen xilli ay kasoo bas ay kooxo hubeysan ku weerareen Dhadhaab.

5/30/2012 9:55 AM EST
Arbaco, May 30, 2012 (HOL) — Xisbiga Nabadda iyo Horumarka oo ka mid ah xisbiyada siyaasadeed ee ka jira Soomaaliya ayaa warsaxaafadeed kasoo saaray shirka Istanbul II ee looga hadlayo mustaqbalka Soomaaliya, kaasoo lagu wado inay ka qaybgalaan dhinacyada siyaasadda Soomaaliya.

5/30/2012 9:23 AM EST
Arbaco, May 30, 2012 (HOL) — Waxaa maanta xiisado dagaal laga dareemayaa deegaanada hoostaga Degmada Afmadow ee gobolka Jubada Hoose, halkaasoo ay isku horfadhiyaan ciidamada dowladda KMG iyo kuwa Raaskaambooni oo kaashanaya Militariga Kenya iyo Xarakada Al-shabaab.

5/30/2012 6:44 AM EST
Xildhibaanada baarlamaanka ee taageersan Madoobe Nuunow Maxamed ayaa gaashaanka ku dhuftay go'aannadii kasoo baxay shirkii dhawaan ay saxiixayaasha Roadmapku ku yeesheen magaalada Addis ababa ee xarunta dalka Itoobiya.

5/30/2012 5:56 AM EST
Arbaco, May 30, 2012(HOL): Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefdi ballaaran oo uu hogaaminayo ayaa maanta gelinkii dambe soo gaaray magaalada Istanbul ee caasimadda labaad ee dalka Turkiga halkaasoo si diiran loogu soo dhoweeyey.

5/30/2012 4:04 AM EST
Arbaco, May, 30, 2012 (HOL) — Sida ay inoo xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan maamulka gobollka Hiiraan waxaa dib u dhac ku yimid ciidamado ka socday dowladda Jabuuti oo lagu waday in ay maanta gaaraan magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

5/30/2012 2:38 AM EST
Arbaco, May 30, 2012 (HOL) — Dowladda Kenya ayaa sheegtay in maraakiibteeda dagaalka ay duqeeyeen magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose oo ay ka taliso Xarakada Al-shabaab.

5/30/2012 2:26 AM EST
Arbaco, May 30, 2012 (HOL) — Madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka ku xigeenka maamulka Galmudug ayaa isku khilaafay ka qaybgalka shirka Istabuul II ee looga hadlayo mustaqbalka Soomaaliya.

5/30/2012 2:12 AM EST
Arbaco, May 30, 2012 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa sheegtay in weerarkii gaadmada ahaa ee shalay ay ku qaadeen gaadiid uu la socday madaxweynaha oo marayay inta u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye ay ku doonayeen inay ku dilaan madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

5/30/2012 1:44 AM EST
Arbaco, May 30, 2012 (HOL) — Ugu yaraan sideed qof oo u badan ciidamada ammaanka Puntland ayaa ku dhintay qarax miino oo saakay ka dhacay xaafadda Garsoor ee Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.