4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 30, 2012
Madaxda Galmudug oo isku khilaafay ka qaybgalka Shirka looga hadlayo Arrimaha Soomaaliya ee ka dhacaya Turkiga

Arbaco, May 30, 2012 (HOL) — Madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka ku xigeenka maamulka Galmudug ayaa isku khilaafay ka qaybgalka shirka Istabuul II ee looga hadlayo mustaqbalka Soomaaliya.

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug, Cabdisamad Nuur Guuleed oo la hadlay VOA-da ayaa sheegay inay isku raaceen golaha wasiirrada Galmudug iyagoo isku raacay inay ka qaybgalaan maadaama looga hadlayo arrimaha Soomaaliya.

"Shirkaas maadaama looga hadlayo arrimaha Soomaaliya, maadaama aan tagi jirnay shirarka looga hadlayo arrimaha Soomaaliya, maadaama walaalaheenna Turkiga ay casuumeen Galmudug, waxaa go'aansannay inaan booskeenna buuxinno," ayuu yiri C/samad Nuur.

Mudane wuxuu sheegay in madaxweynaha Galmudug, Maxamed Axmed Caalin uusan kala tashan go'aanka uu qaatay ee uu ku qaadacay shirka Istanbuul, isagoo xusay inay taasi keentay inay golaha wasiirrada Galmudug shiraan ayna qaataan go'aanka looga qaybgalayo shirkaas.

Sidoo kale, madaxweyne ku xigeenku Galmudug wuxuu sheegay in xubnihii shirka uga qaybgeli lahaa ay diyaarinayaan, marka ay shirka tagaanna ay madaxweynaha la hadli doonaan si ay uga dhaadhiciyaan go'aankooda.

Dhanka kale, madaxweynaha Galmdug, Col. Caalin ayaa sheegay inuusan ka laaban go'aankii uu ku qaadacay shirka Istanbuul, isagoo sheegay in shirkaas ay u arkaan inuu yahay mid dano gaar ah laga leeyahay.

Khilaafkan ayaa wuxuu noqonayaa kii ugu horreeyay noociisa oo madaxda sare ee maamulka Galmudug soo dhexgala, iyadoo khilaafkan uu imaanayo xilli DKMG ah ay sheegtay inay Puntland iyo Galmudug kala hadlayso mowqifkooda ku aaddan diidmada shirka Istanbuul II.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya