4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 30, 2012
Xarakada Al-shabaab oo sheegtay in Weerarkii shalay ay doonayeen inay ku dilaan Madaxweynaha Soomaaliya

Arbaco, May 30, 2012 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa sheegtay in weerarkii gaadmada ahaa ee shalay ay ku qaadeen gaadiid uu la socday madaxweynaha oo marayay inta u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye ay ku doonayeen inay ku dilaan madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Afhayeenka howgallada ee Al-shabaab, Sheekh C/casiis Abuu-Muscab ayaa xusay in madaxweynuhu uu ka badbaaday weerarkaas, balse ay ku dileen ciidammo ka tirsan DKMG ah iyo kuwa AMISOM oo ilaalo u ahaa.

"Weerarkii ka dhacay inta u dhexeysa Calamada iyo Ceelasha wuxuu ahaa mid aan ku doonayay inaan ku dilno madaxweynaha Soomaaliya, balse taasi ma suuro-gelin, waayo madaxweynuhu wuxuu ku jiray taangi gudihiis," ayuu yiri Abuu-Musacab.

Sidoo kale, afhayeenku wuxuu sheegay in weerarkooda uu ahaa mid qorsheysan oo ay ku tusayeen dadka in jidka isku xira Muqdisho iyo Afgooye uusan ahayn goob ay dowladdu ka taliso.

"Haddii dowladdu ay gacanta ku haysa inta u dhexeysa Afgooye iyo Muqdisho, muxuu madaxweynuhu si nabadgalyo ah ugu mari waayay?" ayuu is-weydiiyay afhayeenka Al-shabaab oo aan sheegin khasaaraha dhankooda kasoo gaartay dagaalka.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka badbaaday weerarkaas oo dhacay markii uu ka soo laabtay booqasho uu ku tagay degmada Afgooye; inkastoo dhinaca DKMG ah uu kaga dhintay hal askari, toddoba kale oo mas'uul Ahsluunna ka tirsanna uu ay kasoo gaareen dhaawacyo kala duwan.

Dhanka kale, afhayeenka howlgallad ee Al-shabaab ayaa sheegay in weerar kale oo gaadmo ah oo ay ku qaadeen gaadiid ay lahaayeen ciidamada Kenya oo marayay inta u dhexeysa Taabto iyo Qooqaani oo ka tirsan gobolka Jubbada hoose ay ku dileen saraakiil ka tirsan AMISOM.

"Gaadiidkan oo labaatameeyo ahaa waxay saddex sarkaal oo AMISOM ah kasoo qaadeen deegaanka Taabto iyagoo u waday Qooqaani si ay u hoggaamiyaan dagaalka u dhexeeya ciidamada Kenya iyo mujaahidiinta, shan ka mid ah gaadiidka oo uu ku jiro kii saraakiishan ay la socdeen goobta ayaa lagu gubay," ayuu Sheekh Abuu-Musacab ku sheegay hadal uu saxaafadda siiyay.

Ma jiro hadal kasoo baxay dhinaca dowladda Kenya oo ku saabsan weerarka ay ku sheegteen Al-shabaab inay ku dileen saddex sarkaal oo ka tirsan AMISOM kuwaas oo hoggaamin lahaa dagaallada ka socda Koonfurta Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya