4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 30, 2012
Qarax khasaare badan geystay oo saakay ka dhacay Waqooyiga Degmada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug

Arbaco, May 30, 2012 (HOL) — Ugu yaraan sideed qof oo u badan ciidamada ammaanka Puntland ayaa ku dhintay qarax miino oo saakay ka dhacay xaafadda Garsoor ee Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Qaraxan oo ahaa miino dhulka lagu aasay ayaa waxay si lama filaan ah ula qaraxday ciidammo ka tirsan kuwa Puntland oo doonaya inay halkaas ka saaraan, iyadoo lix askari iyo qof rayid ah ay goobta ku dhinteen, waxaana markaas kaddib ay ciidammadu toogteen qof ay ku sheegeen inuu miinada aasay.

"Ciidamada ammaanka oo doonayay inay goobta ka saaraan miino lagu aasay ayaa waxay u qaraxday si lama filaan ah, waxaa dhintay lix askari iyo qof rayid ah, sidoo kale ciidamadu waxay toogteen qof ay ku sheegeen inuu miinada aasay," ayuu yiri goobjooge ka dhawaa halka uu qaraxu ka dhacay.

Saraakiisha maamulka Puntland ee gobolka Mudug ayaa sheegay in khasaaraha ka dhashay qaraxa uu yahay mid badan, balse ma aysan sheegin lambar sugan, sidoo kale waxaa ku dhaawacmay qaraxaas sideed qof oo kale oo ay ku jiraan ciidamadii halkaas gaaray.

Ma jirto cid sheegatay inay mas'uul ka tahay weerarkan, iyadoo dhaawacyada la dhigay isbitaalka weyn ee Gaalkacyo, waxaana qaraxan uu noqonayaa kii ugu khasaaraha badnaa ee ka dhaca Waqooyiga Gaalkacyo bilihii ugu dambeeyay.

Xaaladda xaafadda Garsoor ayaa aad u kacsan, iyadoo ganacsiga, socodka dadka iyo midka gaadiidkaba uu hakad ku jiro, waxaana xaafaddaas baaritaanno kawada ciidamada maamulka Puntland.

Degmada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa waxaa ka dhacayay qaraxyo ay waxyeello kasoo gaartay dad shacab ah iyo ciidamada maamullada halkaas ka jira, waxaana qaraxyada intooda badan ka dhaceen Waqooyiga degmadaas oo ay Puntland ka taliso.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya