4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 29, 2012
Maraakiib shisheeye oo caawa mar kale duqeeyay Magaalada Kismaayo


Talaado, May 29, 2012(HOL):Maraakiibtii dagaal ee ku sugnayd xeebta magaalada Kismaayo ayaa caawa mar kale duqeymo ka billaabay magaalada, iyadoona gantaallada ay maraakiibta tuurayaan ay ku dhacayaan xaafadaha kala duwan ee degmada Kismaayo.

Goobjooge ku sugan magaalada Kismaayo oo ka gaabsaday magaciisa ayaa HOL u sheegay in duqeynta ay billaabatay caawa salaaddii Maqrib kadib saacadda Afrikada Bari, waxaana uu goobjoogahaasi sheegay in duqeyntu ay ku socoto xaafado badan oo ka tirsan magaalada.

"Duqeyn ba'an ayaa magaalada ku socoto, cabsi ayaa dadkii la soo darastay, dadka qaar ayaa magaalada ka cararay oo aaday Deegaanada Gosha," ayuu goobjooguhu hadalkiisii ku daray.

Ilaa iminka lama garanayo tirada rasmiga ah ee dadka ku waxyeelloobay duqeynta, haseyeeshee duqeynta ayaa lagu soo waramayaa in ay tahay mid xooggan.

Shacabka ku dhaqan Kismaayo ayaa walaac ka muujiyay duqeymaha ay maraakiibta shisheeye ka wadaan magaalada, iyadoona xaaladda magaalada ay caawa tahay mid aad u kacsan, waxaana dagaalyahannada Al-shabaab ay Maraakiibta shisheeye dhankooda ku ridayaan hubka lidka diyaaradaha.

Duqeyntani ay caawa maraakiibta shisheeye ku wadaan Kismaayo ayaa kusoo beegmeysa xilli saaka aroortii sidan oo kale duqeymo ka dhacay magaalada ay sababeen dhimashada hal qof oo rayid ah iyo dhaawac mid kale.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya