4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 29, 2012
Ciidammo ka socda Jabuuti oo lagu wado in Maalinta Beri ah ay gaaraan Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan

Talaado, May 29, 2012 (HOL) — Waxaa lagu wadaa in maalinta bari ah soo gaaraan magaalada Beledweyne ciidamo ka socda dowladda dalka Jabuuti, kuwaasoo qeyb ka ah howlgalka AMISOM ee dalka Soomaaliya.

Sida uu HOL u sheegay mas’uul ka tirsan maamulka warfaafinta gobollka C/wali Xassan Jimcaale, wafdi ka socda dowladda Jabuuti oo soo gaaray maanta magaalada Beledweyne ayaa kulamo kula qaatay magaalada mas’uuliyiinta ka tirsan maamulka gobollka Hiiraayo saraakiisha dowladda Itoobiya ee ku sugan magaalada.

C/wali waxaa uu sheegay in wafdiga iyo mas’uuliyiintii ay is arkeen ay ka wada hadlleen imaashaha ciidamada dowladda Jabuuti oo lagu wado in ay la wareegaan nabad-galyada magaalada oo tan iyo wixii ka danbeeyay 31-Decembar ee sanadkii horay ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda Itoobiya.

Booqashada wafdiga maanta gaaray magaalada Beledweyne ayaa noqoneysa tii labaad, iyadoo safar kan la mid ah kol hore sidan oo kale ku soo gaareen magaalada waqtigii oo ay idho-indheynayeen goobihii ay degi lahaayeen ciidamada Jabuuti.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya