4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 29, 2012
Maxkamadda Sare ee Somaliland oo go’aamo ka soo saartay khilaafkii labadda garab ee xisbiga UDUB U dhexeeyey

Talaado, May 29, 2012 (HOL) — Maxkamadda sare ee somaliland, ayaa maanta go’aan ka gaadhay khilaafkii u dhexeeyey labadda garab ee xisbiga mucaaradka ah ee UDUB u kala jabay,waxaanay ayideen go’aankii guddidda diiwaangelinta ururadda Siyaasaddu ka soo saareen laba liis oo labadda garab u soo kala gudbiyeen, iyagoo qaatay liiska garabka uu hogaaminayo gudoomiyaha xisbiga UDUB Mr:Daahir Rayaale Kaahin.

Maxkamaddu waxa kale oo ay sheegtay in sidoo kale hawlihii uu qabtay gudoomiye ku xigeenka xisbiga UDUB Axmed Yaasiin Yuusuf mudadii uu gudoomiyaha xisbigaasi maqnaa ay yihiiin mid sharciyan lagu dhaqmayo, isla markaana awoodiisa leh, balse gudbinta liiska xubnaha golaha dhexe uu gudoomiyaha xisbiga UDUB Daahir Rayaale Kaahin gudbiyey iyana ay tahay mid uu sharcigu awood u siinayo, isla markaaana liiskaasi yahay mid sharciyan sax ah.

Garsoorayaashan maxkamadda sare ee laga war sugayey go’aan ka gaadhida khilaafka labadda garab ee xisbiga UDUB oo ay muddo daraasadaynayeen ayaa maanta si rasmi ah usoo saaray go’aamo lagu furdaaminayo khilaafkaasi xisbiga soo wajahay.

"Waxay maxkamadda sare ayiday go’aanka guddidda Diiwaangelinta ururadda iyo Asxaabta Qaranka ee ay sumadiisu tahay GDUAAS/110/2012, kuna taariikhaySan 17, April, 2012, maxkamaddu waxay ku dhaqan sharci u aragtay warqada gudoomiyaha UDUB Daahir Rayaale Kaahin ka soo diray dalka dibadiisa, ujeedadiisuna ay ahayd soo xulidda liiska Xubnaha golaha dhexe ee xisbiga UDUB, warqadaas oo ku taariikhaysnayd 3, Oct.2011, guddidaasi oo ka kooban 35 xubnood oo uu gudoominayey gudomiye ku xigeenka UDUB Axmed Yuusuf Yaasiin"ayuu yidhi Yuusuf Ismaaciil Cali , gudoomiyaha maxkamadda sare oo go’aanka ku dhawaaqayey.

"Waxaanay maxkamad go’aamisay waxqabadyadii lagu sameeyey warqadaasi (warqaddii gudoomiyuhu usoo diray ku xigeenkiisa) ee loo igmaday ku xigeenkiisa ay yeelanayaan ku dhaqan sharci, hadii la raacay nuxurka iyo ujeedada warqadaasi ku qornaa, wax ka bedelka iyo soo jeedinta xeerka xisbiga UDUB waxa loo raacayaa sida uu dhigayo xeerka xisbiga udub qodobka 23aad xubintiisa 1aad, 2aad, sidoo kale wax ka bedelku waxa uu ku ansaxmayaa shirweynaha xisbigaasi UDUB"ayuu raaciyey hadalkiisa gudoomiyaha maxkamadda sare.

Khilaafkan ayaa ka dhashay laba liis oo xubnaha gole dhexe UDUB oo ay kala qoreen gudoomiyaha UDUB Daahir Rayaale Kaahin iyo Gudoomiye ku xigeenkiisa Axmed Yuusuf Yaasiin, kuwaas oo mid waliba gaarkiisa liis gole dhexe ah u gudbiyey guddidda Diiwaangelinta, haseyeeshee, waxa guddidda Diiwaangelinta Ururadda siyaasadda ay qaateen liiskii uu gudbiyey gudoomiyaha xisbiga UDUB Daahir Rayaale Kaahin, arrintaasna waxay ka cadhaysiisay gudoomiye ku xigeenka liiskiisa la diiday, taasina waxay keentay in uu gudoomiye ku xigeenku dacwad arrintaasi ka dhan ah ka furto maxkamadda sare, waxaanay maxkamadda sare ayiday go’aankii Guddida Diiwaangelintu ka soo saareen murankaasi, iyadoo muddii gudoomiyuhu maqnaa hawlihii uu sii qabtay ku xigeenku la sheegay inay yihiin mid dhaqan gal ah oo sharcigu ogol yahay.

Maxkamadda sare ayaaa laba arrimood u kala qaaday khilaafkan, iyadoo liiska uu gudoomiyuhu gudbiyey u siisay awood gudoomiyaha UDUB, maadaama oo uu dalka ku sugan yahay Guddoomiyuhu, waxaase ku ladheen in intii uu gudoomiyuhu maqnaa go’aamadii iyo hawlihii uu qabtay gudoomiye ku xigeenka UDUB uu isna ansax yahay, maadaama oo uu gudoomiyuhu u wakiishay in wixii hawlo ah ee qabyo ah uu qabto ku xigeenkiisu.

Haseyeeshee, gudoomiye ku xigeenka xisbiga UDUB Axmed Yuusuf ayaa go’aankaasi qayb ka mid ah saluugay, isagoo tilmaamay awooda loo siisay soo xulidda xubnaha goleha dhexe ee xisbiga gudoomiyaha mid aan sharciga wafaqsanayn.

Barkhad-Ladiif M. Cumar
[email protected]
Hargeysa, Somaliland