4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 29, 2012
Maxkamadda Gobolka Banaadir oo Xukunno isugu jira dil toogasho ah iyo xabsiyo kala duwan ku ridday Dad shacab ah

Talaado, May 29, 2012 (HOL) — Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta ku ridday xukunno isugu jira dil toogasho ah iyo xabsi u dhexeeya hal sano illaa shan sano, eedeysanayaan dambiyo kala duwan loo haystay.

Xukunkan ayaa wuxuu qayb ka noqnoayaa xukunno ay horay maxkamaddu u ridday toddobaadkii lasoo dhaafay, kuwaasoo mid ka mid ah lagu riday nin horay ugu dilay Muqdisho laba shaqaale ah oo ka tirsanaa hay'adda MSF-Belgium oo ay wada shaqeynayeen.

Guddoomiyaha maxkamadda gobolka Banaadir, Dr. Xaashi Cilmi Nuur ayaa sheegay in hal qof oo eedeysanayaashii maanta lasoo maxkamadda ka mid ahaa lagu xukumay dil toogasho, kaddib markii lagu helay inuu horay u dilay ruux kale.

"Maxkamaddu waxay dil toogasho ku ridday; C/qaadir Cabdulle Cismaan oo horay u dilay marxuum lagu magacaabi jiray, C/qaadir Cusmaan Xasan," ayuu yiri Dr. Xaashi u sheegay warbaahinta markii uu xukunku dhammaaday.

Sidoo kale, guddoomiyuhu wuxuu sheegay in illaa afar qof oo kale iyagana lagu xukumay xabsiyo kala duwan, kuwaasoo ay ka mid ahaayeen: Maxamed Cismaan Maslax, C/qaadir Cabdicasiis Barre, Xasan Cismaan Cali.

Maxaabiista la xukumay oo markii horeba ku xirnaa xabsiga dhexe ee Muqdisho ayaa dib loogu celiyay halkooda, mana jirto cid ay maxkamaddu sii daysay oo lagu waayay dambigii loo haystay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya