4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 29, 2012
Madaxweynaha Soomaaliya oo Booqday Degmada Afgooye Iyadoo gaadiidkii uu watay lagu weeraray Duleedka Muqdisho

Talaado, May 29, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta booqasho ku tagay degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada hoose oo ciidamada DKMG ah iyo kuwa AMISOM ay kala wareegeen Jimcihii Al-shabaab, inkastoo markii ay Afgooye kasoo laabteen ay kula kulmeen inta u dhexeysa Ceelasha iyo Calamada weerar ay kusoo qaadeen xoogag taabacsan Al-shabaab.

Wafdiga madaxweynaha Soomaaliya la socday ayaa waxay isug jireen wasiirro, xildhibaanno iyo saraakiil ciidan oo isugu jira kuwa dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa waxay mareen waddada dheer ee isku xirta Muqdisho iyo Afgooye.

Madaxweynaha ayaa markii uu gaaray deegaanka Ceelasha-biyaha wuxuu ka dagay gaadiidkii uu la socday, isagoo la hadlay dad shacab ah oo ku suganaa halkaas una sheegay dadkaas haddii ay ciidamadu dhibaateeyaan inay ku dacweeyaan saraakiisha hoggaaminaya.

Sidoo kale, wuxuu madaxweynuhu ku hakaday deegaannada Calamada, Lafoole iyo Xaawo Cabdi oo u dhexeeya Afgooye iyo Muqdisho, isagoo halkaasna kula hadlay dad aad u yar oo ku sugan, kuwaasoo uu ka codsaday inay ciidamada ka gacan siiyaan sidii ammaanka loo adkeyn lahaa, wuxuuna intaas kaddib u gudbay degmada Afgooye.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa Afgooye kusoo dhaweeyay saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM, iyadoo ammaanka degmada la adkeeyay ayna ciidamada dowladdu joojiyeen isku socodka dadka iyo gaadiidka.

Ugu dambeyn, madaxweynuhu wuxuu tagay beerta Sheekh Zayid halkaasoo uu kula hadlay odayaasha iyo dadka deegaanka, waxaana sidoo kale goobta ka hadlay saraakiisha horkacaya ciidamada DKMG ah iyo kuwa AMISOM iyagoo sheegay inay sii wadayaan howgallada lagu adkeynayo ammaanka degmada Afgooye iyo deegaannada kale.

"Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan booqsho ku imaado degmada Afgooye oo ay ii gu dambeysay sannadkii 2006," ayuu yiri Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo hadal kooban saxaafadda siiyay, isagoo intaas ku daray in geed weyn oo hoostiisa uu ku qabanayay shirka jaraa'id oo u ku yaalla beerta Sheekh Zaayid uu sheegay inay ugu dambeysay inuu ka hadlo intii uu ahaa guddoomiyihii Maxkamadihii Islaamka. 

Booqashadan ayaa waxay noqonaysaa tii ugu horreysay oo madaxweynaha Somalia uu ku tago degmo ay ciidamada dowladda kala wareegeen xoogagga Al-shabaab, iyadoo degmooyinkii hore, sida Baladweyne iyo Baydhabo ay booqasho ku tageen ra'iisul wasaaraha iyo guddoomiyaha baarlamaanka.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa markii ay kasoo laabteen degmada Afgooye waxaa gaadiidkii ay wateen lagu weeraray inta u dhexeysa deegaannada Calamada iyo Ceelasha biyaha, waxaana qarxay dagaal socday muddo kooban, iyadoo la xaqiijiyay inuu ku dhintay hal qof, ayna ku dhaawacmeen toddoba qof oo u ku jiray mas'uul ka tirsan ururka Ahlusunna oo lagu magacaabo Maxamed Xuseen Awliyo.

Saraakiisha dowladda ee la socday wafdiga ayaa waxay sheegeen in kooxda soo weerartay ay ahaayeen Al-shabaab ayna ka qabteen afar qof oo nool, iyagoo sheegay in ciidamadooda iyo kuwa AMISOM ay ka guuleysteen kooxdaas weerarka kusoo qaaday.

Dhanka kale, degmada Afgooye ayaa waxaa ka socda maalintii labaad baaritaanno ay ciidamada DKMG ah sameynayaan, kuwaasoo ay sheegeen inay ku raadinayaan dad ay sheegeen inay xiriir la leeyihiin Al-shabaab, kuwaasoo ay ku galayaan guri walba.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya