4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 28, 2012
AMSIOM oo sheegtay inay sugtay Ammaanka Deegannada ku yaalla inta u dhexeysa Muqdisho iyo Degmada Afgooye

Isniin, May 28, 2012 (HOL) — AMISOM ayaa sheegtay in ciidamadooda iyo kuwa DKMG ah oo iskaashanaya ay sugeen ammaanka deegaannada ku yaalla inta u dhexeysa magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose.

Ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa AMISOM ayaa waxay deegaannada iyo weliba degmada Afgooye kala wareegeen xoogagga Al-shabaab oo muddo saddex sano ka badan ka talinayay kaddib dagaallo socday muddo saddex maalmood ah.

"Howgalkan wadajirka ah waxay ciidamadeenna iyo kuwa dowladdu ku qabsadeen deegaannada Ceelasha-biyaha oo ahayd goobaha ay ka talinaysay Al-shabaab iyo degmada Afgooye oo 30-km u jirta Muqdisho," ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ay Axaddii shalay soo saartay AMISOM.

Warsaxaafadeedka ayay sidoo kale ku sheegtay AMISOM in hadda ay hay'adaha samafalku ka shaqeyn karaan deegaannadaas, iyadoo la xusuusto in Al-shabaab ay horay uga joojiyeen hay'adaha samofalka inay caawiyaan 400,000 oo barakacayaal ah oo ku noolaa deegaannadaas.

Dadkii deegaannadan ku noolaa oo horay uga barakacay dagaallo ciidamadii TFG-da iyo kuwii Itoobiya ku dhexmarayay magaalada Muqdisho sannadihii 2007 illaa 2008 ayaa cabsi awgeed uga barakacay maalmihii ay dagaalladii u dhexeeya AMISOM, cioidamada DKMG ah iyo xoogagga Al-shabaab.

Hay'adda Qaramada Midoobay u qaabisan Qoxootiga ee UNCHR ayaa sheegtay in 9,200 oo qof ay ku barakaceen dagaalladii ay ciidamada DKMG ah iyo kuwa AMISOM ay ku qabsadeen degmada Afgooye.

"Howgalkii toddobaadka qaatay... wuxuu ahaa mid lagu xoreynayay dadka shacabka ah ee ku nool inta u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye, si fusad loogu siiyo hay'adaha gargaarku inay tagaan deegaannadaas oo ay caawiyaan dadkaas," ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka ay AMISOM soo saartay.

Deegaannada u dhexeeya Muqdisho iyo Afgooye oo ay ka mid yihiin, Ceelasha, Lafoole iyo Xaawo Cabdi ayaa waxaa hadda gacanta ku haya ciidamada DKMG ah iyo kuwa AMISOM iyagoo ka sameysay saldhigyo waaweyn.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya