4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 28, 2012
Afhayeenka Al-shabaab oo sheegay in dagaalka ay kula jiraan AMISOM iyo Dowladda KMG ah uu weji cusub galay

Isniin, May 28, 2012 (HOL) — Afhayeenka Xarakada Al-Shabaab, Sheekh C/casiis Abuu-Muscab oo la hadlay idaacadda ku hadasha afka Al-shabaab ee Andulus ayaa sheegay inuu weji cusub galay dagaalka ay kula jiraan ciidamada AMISOM iyo kuwa DKMG ah ee Soomaaliya.

Sheekh C/casiis ayaa sheegay in xeeladda cusub ee dagaal ay ku naafeyn doonaan ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa AMISOM, wuxuuna hadalkan kusoo beegay xilli maalmo ka hor laga qabsaday degmada Afgooye oo awood badan ku lahaayeen.

"Wajiga dagaal ee cusub waa mid aan ugu talogalnay inaan ku naafeynno cadowga, xeealadan dagaalna ma ahan mid horay naloogu arki jiray, waxaana qorshayeennu yahay inaan qabsanno goobihii ay kasoo duulaan-tageen," ayuu yiri afhayeenka u hadlay Al-shabaab.

Inkastoo afhayeenkan aan la sheegin goob uu ku sugan yahay, ayaa wuxuu kusoo beegmayaa hadalkiisa xilli ay DKMG ah iyo AMISOM sheegeen inay adkeeyeen ammaanka degmada Afgooye iyo deegaannada ku dhow-dhow.

"Degmooyinka Muqdisho ee ay ciidamadan kasoo duuleen waa faaruq, sida degmada Dayniile, waxaana naga go'an inaan halkaas dib ugu laabanno," ayuu afhayeenku ku daray hadalkiisa.

Dhanka kale, saraakiisha dowladda KMG ah ayaa sheegay inay degmada Afgooye ka billaabi doonaan maanta howlgallo lagu adkeynayo ammaanka, iyagoo sheegay inay ka howlgeli doonaan degmadaas hay'adhaa ammaanka ee dowladda sida booliiska iyo nabadsugidda.

Xarakada Al-shabaab ayaa waxaa tan iyo sannadkan laga qabsaday degmooyin kala duwan, waxayna markii ay ka baxeen degmo walba oo degmooyinkaas ka mid ah ay sheegeen inay uga baxeen xeelad dagaal ayna dib u qabsan doonaan, mana jirto degmo ay dib u qabsadeen.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya