4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 27, 2012
Somaliland oo sheegtay in ay ka qeybgeleyso qeybta hore ee shirka Istanbul

Axad, May 27, 2012 (HOL)- Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyigelinta Somaliland, ahna afhayeenka xukuumadda Somaliland, Mr: Boobe Yuusuf Ducaale, ayaa sheegay in shirka  31 May ka dhici doona Istaanbuul ee dalka Turkiga qaybtiisa hore ee lagaga hadlayo horumarinta iyo dhaqaalaha ay ka qaybgali doonaan balse qaybtiisa dambe ee siyaasadda lagaga hadlayo aanay ka qaybgali doonin.

Sidaasna waxa uu ka sheegay wasiirka Warfaafintu war-saxaafadeed uu ka soo saaray xafiiskiisa, kaas oo uu ku cadeeyey afar wasiir oo loo xulay inay shirkaasi qaybta hore ka qaybgalaan, balse qaybtiisa dambe ee shirka ee lagaga hadlayo siyaasada Somalia iyo dib u  heshiiisinta aanay ka qaybgaleen, maadaama oo aanay khuseyn.

“xukuumadda somaliland markii lagu casuumay shirka ka dhici doona 31 May Istaanbuul ee dalka Turkiga waxay go’aansatay inay wajiga hore ee shirkaasi ka qaybgasho, ka dib markii dawlada turkigu martiqaadkeeda ku cadaysay in meeqaamka somaliland loola dhaqmo inay tahay si ka gedisan sida loola dhaqmayo gobolada kale ee Somalia”ayuu yidhi Wasiirka Warfaafinta, waxaanu intaas  raaciyey “waxay kale oo martiqaadkeeda dawlada turkigu ku cadaysay in la raaci doono hab maamuuska shirkii London 23 February, 2012 ee ka dhacay magaaladda London”ayuu wasiirka Warfaafintu ku sheegay war-saxaafadeedkiisa.

“Shirkan 31 may ka dhici doona istaanbul waxa lagu gorfayn doono horumarinta iyo dhaqaalaha oo u kala baxay u adkaysiga Tamarta, Biyaha iyo Wadooyinka,maadama oo madaxweyne ku xigeenku booqasho u anbabaxayo dalka Jabuuti waxa uu madaxweynuhu u magacaabay shirkan afar wasiir oo kala ah, wasiirka arrimaha dibadda, Dr: Maxamed Cabdilaahi Cumar, Wasiirka Qorshaynta Qaranka Dr: Sacad Cali Shire, Wasiirka Hawlaha guud iyo guriyeynta Axmed Cabdi Xaabsade, Wasiirka Macdanta, tamarta iyo biyaha Xuseen Cabdi Ducaale”ayuu raaciyey wasiirku war-saxaafadeedkaasi.

wasiirka Warfaafintu waxa kale oo uu sheegay in qaybta dambe ee shirka ee 1 June,2012 bilaabmi doona aanay ka qaybgali doonin oo arrintaasi ay khaas u tahay Soomaaliya, isagoo arrintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Waxa  kale aanu cadaynayana in aanan ka qabgali doonin wajiga dambe ee shirka oo lagaga hadlayo Road Map ka Somalia oo aan khuseyn somaliland”

Barkhad-Ladiif M. Cumar
[email protected]
Hargeysa, Somaliland