4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 27, 2012
La-taliyaha Madaxweynaha Somaliland oo Culumadda ugu baaqay inay dadweynaha ka wacdiyaan dhaqanka xun ee Takoorka

Axad, May 27, 2012 (HOL) — Taliyaha madaxweynaha Somaliland ee Arrimaha Bulshada, Mr: Barkhad Jaamac Xirsi, ayaa Culimadda ugu baaqay inay dadweynaha ka wacyigeliyaan dhaqanka xun ee tageerka ku salaysan, maadaama oo dad waxa kaliya ay dhagaystaan tahay culimadda iyo abwaanada, balse ay abwaanaddu iyagu waajibaadkii arirntaasi ka saarnaa ay fuliyeen oo ay gabayo badan ka sameeyeen.

La taliyaha madaxweynaha ee Arimaha bulshada Barkhad Jaamac waxa kale oo uu ka hadlay dhacdo laba qof oo isku guursaday Magaaladda Gabiley oo muran ka dhashay guurkooddii ka mid markii inantii la guursaday reerkoodii u diideen ninkii guursaday inay siiyeen, haseyeeshee, maxkamadda Gabiley ayaa kiiskaasi go’aan ka soo saartay, iyadoo labaddii qof ee is guursaday maxkamaddu isku fasaxday ka dib markii labadda qof la waraysatay, isla markana sheegeen inay is ogol yihiin, gabadhuna raali ka tahay ninkaasi guursaday, cidii go’aankaasi ka hor timaadda maxkamaddu sheegtay in sharciga lala tiigsan doono cidkasta oo carqaladaysa guurka labadaas qof ee is ogol.

"Bulshaduna waxa ay aad u tixgalisaa diinta waana shayga kaliyaata ee lagula dagaalami karo heyb-sooco, waayo dhibta hadda taalaa waxa weeyi dhib dhaqan oo la soo kala dhaxlay waxaana tijaabo lagu ogaaday inaaney jirin wax umadu ku kala duwan tahay."ayuu yidhi Barkhad Jaamac la taliyaha madaxweynaha.

"Waxaan aad iyo aad uga xumahay halganka Shacabka iyo Xukumadooduba ugu jiraan tir-tirida takoorka iyo is dhexgalka bulshada, iyadoo sidaasi jirto haddana Magaalada gabiley ayaa waxaa 23 may 2012 ka dhacay dhacdo xanuunkeeda leh, dhacdadan ayaa waxa ay u dhaxaysay laba beelood kuwaas oo isku maandhaafsanaa gabadh iyo wiil ka soo kala jeeda laba daraf, muddo kadib ayaa waxaa uu kiiskoodi galay Maxkamada degmada ee gobolka Gabiley, halkaas oo garsoorihii ka garnaqayey dacwadaas Garsoore Faysal Cabdilaahi uu go’aan ku gaadhay in la israaciyo gabadha iyo wiilka, kadib markii uu gabadha su’aalay iney ku ganacsan tahay wiilkan gabadhuna u sheegtay iney jeceshahay ninkeediina yahay sabab loogu diidaana aaney jirin"ayuu yidhi Barkhad la taliyaha oo ka hadlayey laba qof oo guurkoodda la isku diiday.

Wiilkan iyo gabadhan maxkamadda Gabiley Amartay in lamaanahaasi aan la isku diidi Karin, isla markaana ciddii qoyskaasi soo dhexgashay ee dhibaato u gaysata sharcigaga lala tiigsan doono, amnigoodana si fiican loo sugi doono, haseyeeshee lamaahan la isku haystay ayaa markii dambe usoo wareegay magaaladda Hargeysa oo si wanaagsan ugu nool sida uu noo sheegay la taliyaha madaxweynaha.

"Waxaa jira ku dhawaad sideed abwaan oo reer Somaliland ah oo sugaan aad u miisaaman kaga hadlay takoorka kuwaas oo uu hormuud u yahay Abwaan Hadraawi, Abwaan Shaacir, Abwaan Axmed Dheerad, Abwaan Dhanaaneeye, Abwaan Cabdirisaq iyo qaar kaloo badan sida qoraayadaa waaweyn ee reer somaliland oo qalinkooda ugu hiilaya ummadan"ayuu yidhi mar uu ka hadlayey hiilka ay abwaanadu u muujiyeen takoorka bulshadda soomaaliyeed isku hayaan.

Waxa kale, oo uu sheegay in xukuumadan somaliland ay kaalin weyn ugu jirto sidii loo horumarin lahaa beelaha la haybsooco, isla markaana kooto kuraas ah loo qorsheeyey goleyaasha qaranka, shaqaale badan iyo waxbarasho bilaash ah ay siisay dhalinyaradad beelahan la hayb sooco.

Barkhad Jaamac waxa uu culimadda ku guubaabiyey inay muxaadarooyin badan ka jeediyeen arrintan bulshaddana ka dhaadhiciyaan in arirntani tahay mid xaaraan ah, isla markaana in bulsho dhan la takooraa aanu ilaahayn ogolayn.

Sidoo kale, waxa isna arrintan labadda qof la isku diiday cambaareeyey suldaan Daakir Xasan Khaliif, isagoo sheegay in dhacdan oo kalena ay dhowaan ka dhacday magaaladda Borame, taas oo uu sheegay arrimahan noocan oo kale ay tahay mid aan loo dulqaadan Karin.

"Waxaan ugu Baaqaynaa Beelaha Soomaaliyeed ee ku abtirsada somalinimada inay joojiyaan dacadiga ay kula kacayaan beelaha Gabooye, haddii aan arinkan wax laga qabana Beelaha Gabooye waxay isugu iman dooonan shirar iyo kulamo gaara oo lagaga arinsanayo sidii looga gudbi lahaa mid ka mid ah caqabadahani"ayuu yidhi Suldaan Daakir oo ka mid ah beelaha la hayb sooco.

Barkhad-Ladiif M. Cumar
[email protected]
Hargeysa, Somaliland