4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 27, 2012
Ciidammo Ka tirsan Xarakada Al-shabaab oo gaaray Degmada Kismaayo

Axad, May 27, 2012 (HOL) — Waxaa maanta ilaa shalay kusoo qulqulaya magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose dagaalyahanno fara badan oo katirsan Al-shabaab, kuwaasoo la sheegay in ay ka yimaadeen dhanka gobolka Shabeelaha Hoose oo ay mudooyinkii u danbeeyay ka socdeen dagaallo, waxaana ciidamani ay qeyb ka yihiin ciidamadii dhawaan lagala wareegay deegaanada loo barakacay ee duleedka Muqdisho.

Ciidamadan oo ku hubeysan hubka fudfudud iyo gaadiidka nooca dagaalka ee Tiknikada loo yaqaan ayaa ilaa shalay kusoo qulqulaya magaalada Kismaayo, iyadoona sidoo kale ciidamadani ay wehliyaan masuuliyiin iyo saraakiil sar sare oo katirsan xoogagga Al-shabaab.

Cutubyo katirsan ciidamada soo gaaray Kismaayo ayaa u gudbay dhanka furumaha dagaalka e deegaanka xayo iyo weliba dhanka Degmada Badhaadhe ee gobolka Jubada Hoose.

Warar hoose oo ay HOL ka heleyso Jubooyinka ayaa sheegaya in Dagaalyahannada Al-shabaab ay doonayaan in ay xoogga saaraan sidii ay u difaaci lahaayeen magaalada Kismaayo, islamarkaasina uga hortagi lahaayeen duulaanka ciidamada dowladda, Raakaambooni iyo kuwa Kenya ay kusoo yihiin degmadaasi.

Ma ahan oo keliya gobolka Jubada Hoose goobaha ay ciidamadaasi gaareen, haseyeeshee ciidamadani ka yimid dhanka shabeelaha Hoose ayaa sidoo kale gaaray degmada Baardheere ee gobolka Gedo si ay u xoojiyaan howlgallada ka socda gobolkaasi.

Ciidamadani cusub ee soo gaaray gobollada Jubooyinka iyo Gedo ayaa kusoo beegmaya xilli ciidamada dowladda KMG oo kaashanaya kuwa AMISOM ay xoogagga Al-shabaab kala wareegeen inta u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye kadib dagaallo ba’an oo labada dhinac ku dhexmaray halkaasi.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya