4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 27, 2012
Qaramada Midoobay oo sheegtay in Kumannaan Qof ay ku barakaceen dagaalladii ka dhacay duleedka Muqdisho

Axad, May 27, 2012 (HOL) — Hay'adda Qarammada Midoobay u qaabilsan qoxootiga ee UNHCR ayaa sheegtay in 9,000 oo qof ay ku barakaceen dagaalladii ka dhacay duleedyada Muqdisho oo ay dowladda KMG ah iyo AMISOM ku qabsadeen degmada Afgooye.

UNHCRC waxay sheegeen in dadka barakacay ay ku noolaayeen deegaannada u dhexeeya degmada Afgooye iyo magaalada Muqdisho, kuwaasoo ay sheegtay inay horay uga barakaceen dagaalladii Muqdisho ka socday.

"Dadka barakacay waxay qaarkood aadeen Muqdisho, qaar kalena gobollada Shabeellada hoose iyo Jubbada hoose si ay uga fogaadaan dagaallada," ayaa lagu yiri warbixin ay soo saartay hay'adda.

Ciidamada Midowga Afrika ee caawinaya ciidamada dowladda KMG ah ayaa waxay sheegeen inay ku dadaaleen sidii aysan khasaare ku gaari lahayn dadka ku nool jidka u dhexeeya Muqdisho iyo Afgooye.

Laakiinse madaafiic ku dhacday deegaannada loo barakacay ayaa sababtay dhimashada lix qof oo shacab ah, kuwaasoo shan ka mid ah uu madfac kula dhacay gaari ay ku qaxayeen, halka ay ku dhaawacmeen 12-qof oo sagaal ka mid ah ay la socdeen gaariga uu madfacu ku dhacay.

Saraakiisha hay'adaha Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqay markii ay dagaalladu billowdeen dhinacyada hardamaya inay ku dadaalaan inaysan shacabka dhibaato kasoo gaarin rasaasta ay dagaallada u adeegsanayaan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya