4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 27, 2012
Abaanduulaha Milateriga Somalia oo sheegay in Askargii dhibaato u geysta Shacabka laga qaadi doono Tallaabo

Axad, May 27, 2012 (HOL) — Abaanduulaha ciidamada xoogga dalka, Jen. C/kariin Yuusuf Aadan Dhego-badan ayaa uga digay askarta dowladda inay dhibaateeyaan dadka shacab ah iyo hantidooda, isagoo sheegay in askarigii lagu helo falkaas laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan.

Jen. Dhego-badan ayaa hadalkan ka sheegay degmada Afgooye, isagoo sheegay in howgalladu ay socdaan looga baahan yahay askartu inaysan dhibaateysan dadka rayidka ah ee ku nool deegaannada loo barkaacay iyo deegaannada kale ee laga saaray Al-shabaab.

"Ma u dulqaadanayno ciidamadu ay dadka dhibaateeyaan, askarigii lagu helo isagoo ku jira falkaas waxaan ballan-qaadaynaa inaan tallaabo ka qaadno," ayuu yiri taliye ku xigeenka ciidamada xoogga, isagoo sheegay in askariga dadka dhibaateeya uu la mid yahay kooxaha ay dagaalka kula jiraan.

Abaanduuluhu wuxuu mar kale yiri: "Shacabka Soomaaliyeed waxay xaq u leeyihiin inay nabad ku seexdaan kuna soo toosaan." Wuxuuna hadalkiisa daba-dhigay sidoo kale in shacabka looga baahan yahay inay soo dhaweeyaan ciidamada DKMG ah ee dagaallada kula jira Al-shabaab.

Taliye ku xigeenka hadalkiisa ayaa wuxuu imaanayaa kaddib markii maalin ka hor ay ciidamada dowladda KMG ah oo garabsanaya kuwa AMISOM kala wareegeen Al-shabaab degmada Afgooye oo ka tirsan gobolka Shabeellada hoose.

Ugu dambeyn, Jen. Dhego-badan wuxuu sheegay in ciidamada dowladdu ay sii wadi doonaan howgallada ay ku doonayaan inay kaga saaraan Al-shabaab deegaanno badan oo ka tirsan Koonfurta Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya