4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 27, 2012
Guddoomiyihii hore ee Culummaa'udiinka Ahlusunna Waljamaaca oo ku geeriyooday Isbitaal ku yaalla Magaalada Gaalkacyo

Axad, May 27, 2012 (HOL) — Guddoomiyihii Ahlusunna Waljamaaca, Sheekh Cumar Sheekh Maxamed Faarax ayaa xalay ugu geeriyooday isbitaal ku yaalla magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug dhaawac halis ah oo kasoo gaaray shil gaari oo ka dhacay deegaanka dagaal oo Gaalkcyo ku dhow.

Xubno ka tirsan Ahlusunna ayaa sheegay in Sheekhu uu geeriyooday xalay 10:00 habeenimo, iyagoo sheegay in gaariga la rogmaday uu isagu gacantiisa ku watay, uuna shilka kasoo gaaray dhaawac halis ah.

"Allaha u raxmadeed Sheekh Cumar wuxuu u dhintay dhiig maskaxda kaga furmay, kaddib shil gaari oo uu ku galay deegaanka Dagaari oo ku dhow Gaalkacyo," ayaa laga soo xigtay xubno Sheekha aad ugu dhawaa oo ka tirsan Ahlusunna.

Maanta ayaa lagu wadaa in guddoomiyaha la aaso, inkastoo aan la sheegin goob lagu aasi doono, waxaana Sheekh Cumar Sheekh Maxamed Faarax uu noqday guddoomiyihii ugu horreeyay ee ururka Ahlusunna Waljamaaca oo muddo ka badan saddex sano dagaallo kula jira Al-shabaab.

Sheekh Cumar ayaa la sheegay inuu ku dhashay degmada Ceelbuur ee gobolka Galguduud halkaasoo uu ku barbaaray, wuxuuna hadda ka mid ahaa saraakiisha sarsare ee Ahlusunna Waljamaaca.

Ururka Ahlusunna ayaa gacanta ku haya inta badan degmooyinka gobolka Galguduud ee bartamaha Soomaaliya kuwaasoo ay ku jirto degmada Ceelbuur oo ah degmadii uiu ku dhashay Sheekh Cumar.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya