4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 26, 2012
Kumannaan Ardayda Jaamacadda Muqdisho ka tirsan oo u fariistay Imtixaanka ugu Dambeeyay Sannadka


Sabti, May 26, 2012 (HOL) — Kumannaan ka mid ah ardayda wax-ka-barta jaamacadda Muqdisho ayaa maanta oo Sabti ah u fariistay imtixaankii ugu dambeeyay ee sanad-waxbarashadeedka 2011/2012.

Imtixaankani ayaa ka billowday dhammaan xarumaha kala duwan oo ay jaamacaddu ay ku leedahay gobollada dalka, iyadoo ardayda imtixaanka u fariistay ay isugu jiraan wiilal iyo gabdho bartay culuun kala duwan.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa imtixaanka u fariistay dufcaddii 12-aad oo ka qalin-jabinaysa kulliyadaha kala duwan ee jaamacadda, iyadoo xarunta jaamacadda Boosaaso ay iyaduna u fariisteen imtixaankii kama dambeysta ahaa dufcaddii koowaad oo ka qalin-jabinaysa xaruntaas oo furan afar sano.

Guddoomiyaha jaamacadda Muqdisho Dr. Cali Sheekh Axmed Abuubakar ayaa ka warbixiyay ardayda maanta u fariisatay imtixaanka iyo marxaladdihii kala duwanaa ee ay soo martay jaamacadda, isagoo tilmaamay in maanta ay imtixaan u fariisteen in ka badan 2,000 oo arday oo laamaha kala duwan ee jaamacadda wax ka bartay.


"Maamulka iyo macallimiinta jaamacadda Muqdisho waxay u dhabar adeygeen inay ku shaqeeyaan marxaladihii adkaa ee uu dalku soo maray. Jaamacaddu way diyaar u tahay inay soo kordhiso kulliyado kale," ayuu yiri Dr. Cali Sheekh Axmed.

Guddoomiyaha ayaa wuxuu hadalkiisa ku daray in shantii sano ee ay jaamacaddu kasoo maqnayd xarunteeda ugu weyn oo qaadda 12,000 arday aysan maalinna istaagin waxbarashadeeda, taasoo uu ku tilmaamay wax Ilaahay looga mahadceliyo.

Ugu dambeyn, Dr. Cali Sheekh Axmed wuxuu u mahadceliyay dhammaan bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan waalidka iyo ardayda jaamacadda, isagoo ku ammaanay dadaalkooda ku aaddan inay waxbarashadooda sii wataan xilli dalka uu ku jiray xaalado kala duwan.

Jaamcadda Muqdisho oo ka mid ah jaamacadaha ugu faca-weyn Soomaaliya ayaa waxay kaalinta 29-aad ka gashay 100-ka jaamacadood ee ugu horreeya Afrika, iyadoo ardaydii jaamacadda wax ka bartay ay hadda ka shaqeeyaan dhammaan hay'adaha kala duwan ee dalka, halka qaarkood ay cilmiyada sare ka diyaariyaan jaamacadaha kale ee dunida.



Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya