4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 26, 2012
Dableey hubeysan oo Nabaddoon caan ah ku dilay Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan

Sabti, May 26, 2012 (HOL) — Kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa xalay waxaa ay ku toogteen magaalada Beledweyne ee xarunta gobollka Hiiraan nabadoon ka mid ahaa odayaasha dhaqan-ka magaalada.

Marxuumka la dillay oo lagu magacaabi jiray nabadoon Aadan Bille ayeey kooxo hubeysan ku toogteen xaafadda Howl-wadaag ee magaalada Beledweyne xili la sheegay in uu ku sii jeeday Masjidka.

Markii uu dilku dhacay kadib waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa maamulka gobollka Hiiraan, oo bilaabay howlgalo lagu baadi goobayay kooxihii dilka geystay oo markiiba goobta ka baxsaday, lamana sheegin cid ay ciidamada nabad-galyadu u qabteen falkaas lagu dillay nabadoon-ka.

Dilka xalay lagu beegsaday nabadoon Aadan Bille ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee noociisa oo ka dhacay magaalada Beledweyne kaasoo lagu toogto mid ka mid ah odayaasha dhaqan-ka ku sugan magaalada Beledweyne oo mudo haatan laga joogo Shan bilood ka hor ka baxday gacanta xoogagga Xarrakada Mujaahidiinta Al-shabaab.

Ciidamada maamulka gobollka Hiiraan ayaa xiliyada habeenkii inta badan xaafadaha magaalada ka sameeya howlgalo lagu sugayo nabad-galyada, waxaana ay saraakiisha maamulku sheegeen in ay gacan bir ah ku qaban doonaan sida ay hadalka u dhigeen nabad-galyada guud si looga hortago falalka amaanka ka dhanka ah ee mararka qaar ka dhaca gudaha magaalada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya