Jimco, May 25, 2012 (HOL) - Ergayga gaarka ah ee xogyaha guud ee qaramada midoobay u
qaabilsan arrimaha Soomaaliya Agustin Mahiga ayaa sheegay in shirkii ka dhacay
magaalada Addis ababa uu ahaa mid guul ku dhammaaday heshiisna laga gaaray,
waxyaabihii muranka dhaliyay ee ay isku fahmi waayeen hogaamiyayaasha
Soomaalida.
Mahiga ayaa sheegay in qodobada ugu muhiimsan ee heshiiska
laga gaaray ay yihiin meelmarinta dastuurka qabyada, soo afjarida xilliga ku
meel gaarka ah , soo xulida xubnaha ansixinaya dastuurka iyo baarlamaanka
cusub.
Mahiga ayaa markale digniin u jeediyay xubno uu ku tilmaamay
qas wadayaal oo uu sheegay inuu arrintooda u gudbiyay golaha ammaanka ee
qaramada midoobay.
“Waxaan u jeedinay digniin, taasina waxay keentay mira dhal,
waayo waxaan aragnay in qaswadayaashii ay bilaabeen inay aamusaan” ayuu sii
raaciyay Mahiga oo qoslayay.
Waxaa sidoo kale suu heegay in lasoo afjaray madmadowgii u
dhexeeyay dawlada ku meel gaarka ah iyo dawlad goboleedka Puntland.
“Shirkii ay ku kulmeen Addis ababa hogaamiyayaasha Soomaalidu
wuxuu ahaa mid cajiib ah, mar marka qaarna laga doodayay arrimo xasaasiya” ayuu
sii raaciyay hadalkiisa.
Shirka jaraa’id ee uu Mahiga maantay ku qabtay magaalada
Nairobi ayaa yimid kadib markii Addis ababa lagu soo gabagaboobay shir muhiim
ah oo hogaamiyayaasha Soomaalida ay heshiis kaga gaarayeen mustaqbalka dalka,
kaasoo ay gar wadeen ka ahayd qaramada midoobay.
Axmed C/samad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya