4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 25, 2012
Maxkamadda Gobolka Banaadir oo Xabsi iyo Ganaax Isugu dartay Ruux loo hayay dilka Shaqaale ka tirsanaa Hay'adda MSF

Jimco, May 25, 2012 (HOL) — Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa shalay ku xukuntay 30-sano oo xabsi ah, Axmed Salaad Xuseen horraantii sannadkan toogasho ku dilay laba shaqaaale ah oo ka tisranaa hay'adda MSF, kuwaasoo u kala dhasay dalalka Belgium iyo Indooniiisiya.

Gudoomiyaha maxkamadda gobolka Banaadir, Xaashi Cilmi Nuur oo xukunka riday ayaa sheegay in eedeysanaha uu ku caddaaday dambiga ayna ku xukumeen 30-sano oo xabsi ah iyo ganaax lacageed oo gaaraya 30-milyan oo Shillin Soomaali ah.

Eedeysana la xukumay ayaa wuxuu bishii Diseember ee sannadkii hore Muqdisho ku dilay laba shaqaale ah oo ka tirsanaa hay'adda MSF Belgium, kuwaasoo kala ahaa dhaqtar u dhashay dalka Indooniisiya oo lagu magacaabi jiray, Andrias Karel Keiluhu oo ku magac-dheeraa (Kace) oo 44-jir ahaa iyo madaxii mashruuca MSF-Belgium ee Muqdisho Philippe Havet oo 53-jir ahaa.

Ciidamada dowladda ayaa qabtay ruuxan la xukumay, kaddib markii ay ugu galeen xaruntii uu dilka ka geystay, waxaana tani ay sababtay in hay'adda MSF ay xirto xarumo caafimaad oo ay ku lahayd degmooyinka Wadajir iyo Hodan.

Dhanka kale, maxkamadda gobolka Banaadir waxay xukunno min hal sano ah ku ridday laba qof oo la sheegay inay filimaan anshax xumo ah duubayeen, iyadoo ku xukuntay afar qof oo kale oo lagu eedeeyay sino iyo gogol-dhaaf xaraan ah min 100-karbaash.

Maxkamadda gobolka ayaa dhowr jeer oo hore xukunno ku ridday dad ku eedeysan falal anshax-xumo ah, balse xukunka lagu riday eedeysana dilay shaqaalihii MSF ka tirsanaa ayaa noqonaya kii ugu horreyay noociisa oo ay maxkamddu riddo.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya