4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 25, 2012
Ciidamada DKMG ah iyo kuwa AMISOM oo ku sugan duleedka Afgooye xilli ay Al-shabaab faarujisay Degmadaas


Jimco, May 25, 2012 (HOL) — Wararka aan saakay oo Jimco ah ka helayno degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada hoose ayaa sheegaya in ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa AMISOM ay ku sugan yihiin duleedka degmadaas, xillli ay xoogaggii Al-shabaab faarujiyeen.

Degmada Afgooye oo 30-km dhinaca Koonfureed kaga beegan magaalada Muqdisho ayaa haddii ay gudaha u galaan ciidamada DKMG ah iyo kuwa AMISOM waxay noqonaysaa degmadii ugu horreysay ee ka baxsan Muqdisho oo dowladdu kala wareegeeto Al-shabaab.

"Xaaladda degmadu waa daggan tahay... xoogaggii Al-shabaab intii ugu dambeysay xalay ayay isaga baxeen degmada... ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ma soo gelin degmada waxayna weli ku sugan yihiin duleedkeeda," sidaa waxaa HOL u sheegay goobjooge ku sugan degmada Afgooye oo diiday magaciisa.

Goobjoogaha ayaa markii uu la hadlayay HOL wuxuu ku sugnaa Baar Ismaaciil oo ay saraakiil ka tirsan dowladdu sheegeen inay ciidamadoodu ku sugan yihiin, isagoo sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay ku sugan yihiin halka loo yaqaan bood-boodka oo u dhexeysa Carbiska iyo Afgooye.

"Qaar ka mid ah qoysaskii ku noolaa degmada way ka baxeen iyagoo ka cabsaday in lagu dagaalamo gudaha degmada, waayo madaafiic aan khasaare geysan ayaa xalay kusoo dhacay degmada; qoysaska go'aansaday inay sii joogaanna waxay ku jiraan guryahooda iyagoo sugaya isbedel dhaca," ayuu goobjooguhu u sheegay mar kale u sheegay HOL.

Jen. C/llaahi Cali Caanood oo ka mid ah saraakiisha hoggaamiyaha ciidamada DKMG ah ee ku dhow degmada Afgooye ayaa sheegay inay isku diyaarinayaan in maanta ay gudaha u galaan degmada.

Xoogaggii Al-shabaab ee isaga baxay degmada Afgooye ayaa waxay u jiheysteen dhinaca degmada Marko ee xarunta gobolka Shabeellada hoose halkaasoo ay ka wadaan dhaqdhaqaaqyo ciidan sida ay sheegayaan wararka laga helayo degmadaas.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya