4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 23, 2012
Ku-simaha Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya oo booqday Arday wax ku barta Dugsiga H/Dhexe iyo Sare ee Xamar Jajab


Arbaco, May 23, 2012(HOL): Ku-Simaha Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ahna Wasiirka ganacsigga Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif oo maanta booqday Wasaaradda Waxbarashada ee Xukuumadda Soomaaliya iyo  dugsiga H/dhexe iyo Sare ee Xamar Jajab halkaasoo ay wax ka bartaan 590 arday oo warbarasho lacag la’aan ah helay.

Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya Axmed Ceydiid Ibraahim oo warbixin siinayay Ku-simaha ra’iisal Wasaaraha ayaa sheegay in Wasiirrada Waxbarashada ay dadaal dheeraad ah gelkisay sidii waxbarasho lacag la’aan ah ay u heli lahaayeen ubadka Soomaaliyeed, wuxuuna intaas ku daray in iskuullada Waxbarashada ee Muqdisho ay badankood hoos yimaadaan wasaaraddiisa.

Intaas kaddib Ku-Simaha Ra’iisul Wasaaraha oo hadalka qaatay ayaa uga mahadceliyay Wasiirka Waxbarashada howlaha muhiinka ah oo ay wasaaradiisa gacanta ku heyso, wuxuuna arrintaas ku tilmaamay mid loo baahnaa oo in la dhiirigeliyo mudan.


Dhinaca kale, Ku-Simaha Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasiirka Waxbarashada ayaa booqday dugsiga Hoose, Dhexe iyo Sare ee Xamar Jajab, Waxaana halkaasi ku soo dhaweeyay Maamulka dugsiga, Macalimiin iyo ardey aad u fara badan. Ku-Simaha Ra’iisul Wasaaraha ayaa mid mid u gacan qaaday ardaydii, Isagoona mid mid u galay fasalada Ardayda.

“Dowladdu waxay ahmiyad gaar ah siineysaa waxbarashada oo ah aas aaska bulshada, waxaadna la socotaan in ummad kasta ay horumarkeeda ku xirantahay heerka aqoonteeda, Waxaad tihiin Mustaqbalkii dalka”ayuu yiri Kusimaha Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya oo ardayda la hadlayay.

Ugu dambeyntii Ku-Simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka ganacsigga ayaa ardayda u sheegay in ay yihiin kuwii mustaqbalka dalka madaxda u noqon lahaa, Dhaqaatiir ka noqon lahaa, Macaliiniinta noqon lahaa, Islamarkaana intaas ugu sii daray in ay yihiin kuwii la tartami lahaa adduunyada kale, Isagoona xusay in dowladii 1991- dhacday in madaxda hadda ay yihiin kuwii waxka soo barta oo waliba si lacag la’aan ah ku soo bartay sida hadda ay yihiin ardaydii uu la hadlayay.



Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya