4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 23, 2012
Maydka Askari ka mid ah AMISOM oo lagu soo bandhigay Ceelasha-Biyaha iyo Barakac deegaankaas ka socda
Arbaco, May 23, 2012 (HOL) — Deegaanka Ceelasha biyaha ee duleedka Muqdisho ayaa waxaa maanta lagu soo bandhigay askari ka mid ah ciidamada AMISOM oo la sheegay in lagu dilay dagaalkii shalay, iyadoo sidoo kale deegaankaas ay dadkii ku noolaa ka barakacayaan.

Goobjoogayaal ku sugan deegaankaas ayaa HOL u sheegay in askariga lagu jiiday jidka dheer ee isku xira Muqdisho iyo Afgooye ayna halkaas isugu soo baxeen dad aad u fara badan si ay maydka u arkaan.

Sidoo kale, goobjoogayaasha ayaa waxay sheegeen inay jiraan dad deegaankaas ka barakacaya, kuwaasoo u socda deegaannada kale ee gobolka Shabeellada hoose iyagoo ka baqdin qaba inay dagaalladu soo gaaraan.

"Dadweyne badan ayaa isugu soo baxay Ceelasha si ay u arkaan maydka askariga AMISOM ee dagaalka lagu dilay, sidoo kale waxaa jira dad barakacaya," ayuu yiri goobjooge magaciisa ka gaabsaday inuu sheego.

Dhanka kale, goobjoogayaasha ku sugan deegaanka Ceelasha biyaha ayaa waxay sheegayaan in lagu arkayo degaankaas ciidammo fara badan oo kuwa Al-shabaab ah, kuwaasoo ku wajahan deegaannadii ay dagaalladu ka dhaceen.

Jidka isku xira Muqdisho iyo Afgooye oo saakay xirmay ayaa waxaa dib loo furay baqonimadii maanta, iyadoo gaadiidka ay si caadi ah u marayaan, iyadoo AMISOM saraakiishoodu ay sheegeen inay dagaalka sii wadayaan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya