4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 21, 2012
Madaxda Soomaalida oo Magaalada Addis Ababa uu uga furmay shir ay uga hadlayaan Dastuurka iyo Roadmap-ka

Isniin, May 21, 2012 (HOL) — Shirkan oo socon doona laba maalmood ayna qaban-qaabiisa leedahay Qaramada Midoobay ayaa madaxda Soomaalida wuxuu maanta uga furmay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya; waxaana shirkan ka qaybgalaya xubno ka socda beesha caalamka.

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Itoobiya, Siciid Yuusuf Nuur ayaa sheegay inay madaxda Soomaalidu ay maata kaga hadli doonaan shirkooda dastuurka oo uu ka taagan yahay muran, iyadoo maalinta berri ahna ay madaxdu ka hadli doonaan wixii ka qabsoomay Roadmap-ka.

"Ajandaha maanta looga hadlayo shirka waa dastuurka, waxaana la filayaa in wixii lagu dari karo lagu daro, wixii laga dhimi karana laga dhimo; meeshana laga saaro muranka dastuurka oo aanu dib dambena u soo laaban," ayuu yiri Siciid Yuusuf.

Sidoo kale, danjiruhu wuxuu sheegay in shirkan loogu talogalay inuu laba maalmood socdo balse uu ka badan karo, iyadoo marka lasoo gabagabeeyo lagu wado in laga soo saaro war-mutiyeed ku saabsan qodobbadii la isku afgartay.

Madaxda Soomaalida ayaa waxay shirkooda si aad ah ugu lafa gurayaan qodobbada dastuurka ee muranka uu ka dhashay, iyadoo shirka uu ka qaybgalayo C/raxmaan Faroole oo ah madaxweynaha Puntland soo kasoo horjeestay dastuurka cusub kuna tilmaamay mid aan u qalmin in dalka lagu hoggaaiyo.

Shirkan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay oo looga hadlayo Roadmap-ka oo looga baxayo xilliga KMG ah iyo dastuurka oo ay madaxda Soomaalidu ku yeeshaan meel ka baxsan dalka Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho. Soomaaliya