4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 21, 2012
Shir looga hadlayo Roadmap-ka iyo Dastuurka oo Madaxda Soomaalida uga furmaya Maanta Magaalada Addis Ababa

Isniin, May 21, 2012 (HOL) — Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa waxaa maanta ka furmaya shir looga hadlayo Roadmap-ka iyo dastuurka cusub ee Soomaaliya, iyadoo shirkaas ay ka qaybgalayaan saxiixayaashii heshiiska tubta nabadda.

Kulankan ayaa waxaa dhinaca dowladda KMG ah uga qaybgalaya mas'uuliyiin ay ka mid yihiin madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif, guddoomiyaha baarlamaanka, Shariif Xasan iyo ra'iisul wasaaraha C/weli Maxamed Cali.

Sidoo kale, waxaa ka qaybgalaya, ergo matalaysa Ahlusunna, madaxweynaha Galmudug, Maxamed Axmed Caalin iyo weliba madaxweynaha Puntland, C/raxmaan Faroole oo kasoo horjeestay qodobbo ku jira dastuurka cusub ee Soomaaliya.

Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, danjire Augustine Mahiga, wakiilka Mareykanka ee Soomaaliya, Jean Swan, xubno ka socda Midowga Yurub iyo wakiillo Itoobiya ka socda ayaa ka qaygbalaya shirka.

Ugu horreyn shirka ayaa warbixinno ku saabsan waxyaabihii ka qabsoomay heshiiska Roadmap-ka ee looga baxayo xilliga KMG ah waxaa laga dhageysan doona madaxda Soomaalida, iyadoo markaas kaddibna loo gudbi doono qodobbada dastuurka ee la isku hayo.

Shirkan ayaa wuxuu socon doonaa laba casho, iyadoo marka uu dhammaado laga soo saari doono warbixin ku saabsan qodobbadii lagu heshiiyay, waxaana shirkan uu noqonayaa kii ugu horreeyay oo dalka dibaddiisa ay ku yeeshaan saxiixayaasha heshiiska Roadmap-ka ama khariidadda nabadda ee looga baxayo xilliga KMG ah.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho. Soomaaliya