4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 20, 2012
Qaraxyo khasaare geystay oo Ciidamada DKMG Soomaaliya lagula eegtay Degmada Yaaqshiid ee Muqdisho

Axad, May 20, 2012 (HOL) — Saddex askarta ciidamada DKMG ah ka tirsan ayaa ku dhaawacmay laba qarax oo baqonimadii maanta ka dhacay isgoyska Towfiiq ee degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir.

Qaraxyadan oo ka dhashay miinooyin dhulka lagu aaso ayaa waxaa lagu weeraray ciidammo ka mid ah kuwa dowladda, iyadoo waxaana sidoo kale uu dhaawac kasoo gaaray haweeney rayid ah.

"Laba qarax oo waaweyn ayaa ka dhacay isgoyska Towfiiq, ciidamada dowladdu waxay billaabeen inay rasaas furaan, dadkuna waxay ku sugan yihiin guryahooda," ayuu yiri goobjooge ku sugan xaafadda ay qaraxyadu ka dhaceen.

Goobjoogayaasha ayaa sheegaya in qaraxyadu ay ahaayeen kuwo daqiiqado kala dambeeyay, iyadoo aysan jirin weli cid sheegatay inay mas'uul ka tahay weerarka qaraxyada ah ee lagu qaaday ciidamada dowladda.

Ma jiro wax dhimasho ah oo qaraxyadan ay dhaliyeen, iyadoo ay kusoo beegmayaa xilli ay shalay Muqdisho ka dhaceen qaraxyo dhimasho ay kasoo gaartay askar ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya oo ay mas'uuliyadoodu sheegatay Al-shabaab.

Magaalada Muqdisho oo ay inta badan gacanta ku hayaan ciidamada DKMG ah iyo kuwa AMISOM ayaa waxaa ka dhacayay tan iyo markii ay Al-shabaab isaga baxeen bishii Ogoosto ee sannadkan weerarro qaraxyo ah iyo dilal qorsheysan, iyadoo ay u muuqato in dowladdu ay xal u la'dahay adkeynta ammaanka Muqdisho.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya