4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 20, 2012
Duqeymo ka dhacay dalka Yemen oo lagu dilay Dagaalyahan Soomaali ah oo ka barbar Dagaalamayay Al-Qaacida

Axad, May 20, 2012 (HOL) — Dagaal iyo duqeyn diyaaradeed oo shalya oo Sabti ah ka dhacday dalka Yemen ayaa lagu dilay 36-qof oo uu ku jiro dagaalyahan Soomaali ah oo ka barbar dagaalamayay xoogagga Al-Qaacida ee dalka Yemen.

Saraakiisha dalka Yemen ayaa sheegay in duqeyn ka dhacday gobolka Bayda ee Koonfurta Yemen lagu dilay laba xubnood oo Al-Qaacida ka tirsan kuwaasoo mid ka mid ah uu ahaa Soomaali halka midka kale uu ahaa Yemeni.

"Dagaalyahan Soomaali ah iyo mid Yemeni ah ayaa lagu dilay duqeyn ay diyaaradaha dagaalka ee Mareykanku ka fuliyeen gobolka Bay shalay gallinkii dambe dambe," ayay yiraahdeen saraakiil Yemeniyiin ah.

Sidoo kale, dagaal u dhexeeyay ciidamada Yemen iyo Al-Qaacida oo ka dhacay gobolka Abyan ayaa lagu dilay 34-qof oo isugu jiray 12-askarta Yemen ah iyo 22 ka mid ah dagaalyahannada Al-Qaacida.

Dalka Yemen ayaa waxaa tan iyo sannadkii hore ka socday dagaallo u dhexeeya ciidamada dalka Yemen iyo xoogagga Al-Qaacida, iyadoo dhowr jeer la sheegay in dalka Yemen lagu dilay dagaalyahanno Soomaali ah oo la safan Al-Qaacidada dalkaas ka dagaalanta.

Xarakada Al-shabaab ayaa horay u sheegtay inay dalka Yemen u dirayso xubno ka barbar dagaalama xoogagga Al-Qaacida ee dalka Yemen, taasoo cabsi weyn gelisay qoxootiga Soomaalida ah ee ku nool dalkaas.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya