4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 2 , 2012
Dhaawacyada Toddoba ruux oo ay ka mid ahaayeen Axmed C/salaan iyo Xildhibaan Xuseen Samatar oo la geeyay Addis Ababa

Arbaco, May 02, 2012 (HOL) — Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa la geeyay maanta dhaawacyada, Axmed C/salaan Xaaji Aadan, Xildhibaan Xuseen Samatar Warsame, wariye Bashiir Maxamed Salaad (Sanka) iyo afar qof oo shacab ah kuwaasoo ku dhaawacmay qaraxii shalay ka dhacay degmada Dhuuso-mareeb ee gobolka Galguduud.

Dhaawacyada toddobadan ruux oo ahaa kuwii ugu cuslaa ayaa waxaa gaaroonka diyaaradaha degmada Guriceel ka qaaday diyaarado kuwa qummaatiga u kaca ah ee Helocupter-ka loo yaqaan, kuwaasoo geeyay Addis Ababa.

Mas'uuliyiinta maamulka Ahlusunna ayaa sheegay in dhaawacyada loo qaaday Addis Ababa ay ahaayeen kuwii ugu cuslaa ee ka dhashay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay xarunta gobolka Galguduud.

"Xaaladda dhaawacyada la qaaday waa kuwo culus, qaarkood waxaa jirkooda ka muuqda gubasho daran, waxaana loo qaaday in lagu soo daweeyo Addis Ababa," ayuu yiri mas'uul sare oo ka tirsan Al-shabaab.

Dhaawacyadan xubnaha la qaaday ayaa aad looga dayrinayaa, iyadoo dadkii kale ee ku dhaawacmay shilkaas la sheegayo inay xalaaddoodu aad uga soo raynayso waxaana weerarkan sheegatay Al-shabaab.

Afhayeenka Al-shabaab, Sheekh Cali Dheere ayaa sheegay in weerarkan uu ahaa mid ay ugu gudayeen hoggaamiyahoodii Aadan Xaashi Cayroow oo 2008-kii lagu dilay degmada Dhuusomareeb iyo inuu ahaa mid ay uga hortagayeen shirqool lagu doonayay in muslimiinta ku nool gobolka Galguduud lagu kala qaybiyo.

Dhanka kale, mas'uuliyiinta Ahlusunna ayaa sheegay inay saacadaha soo socda ku dhawaaqi doonaan magaca saddexan ee qofkii weerarka ismiidaaminta ah fuliyay iyo deegaanka uu ka yimid.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya