4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 19, 2012
Qoxootiga Soomaaliyeed ku jira Xeryaha Qoxootiga ee Dhadhaab ee Dalka Kenya oo loo geystay dilal iyo dhaawacyo

Sabti, May 19, 2012 (HOL) — Ugu yaraan laba haween ah ayaya kooxo hubeysani ku dileen xeryaha qoxootiga IFO iyo Dhagaxley ee dalka Kenya 24-kii saac ee ugu dambeeyay, iyadoo sidoo kale ay dableydu mid ka mid ah gacmihiisa ka jareen nin ay afduub ku kaxeysteen.

Kooxahan oo aan la garanayn ayaa la sheegay inay weerareen goobo ganacsi oo ku yaalla xeryahaas, kuwaasoo keentay inay haweeney ku dhimato rasaastii ay fureen halka haweeney kalena ay ku toogteen gurigeeda xilli fiid ah oo ay caruurteeda ka xareynaysay bannaanka.

Ninka gacanta laga jaray ayaa maanta duhurkii laga helay xerada IFO oo ka mid ah xeryihii ay kooxaha hubeysani weerareen, iyadoo sidoo kale booliiska Kenya ee ku sugan xerada IFO ay rasaas isdhaafsadeen kooxahan hubeysan.

Lama sheegin khasaare soo kala gaartay labada dhinac, waxase warar sheegayaan in ciidamadu ay ku guuleysteen inay kooxdaas eryaan, waxaana weerarradan ay walaac xooggan geliyeen qoxootiga ku nool xeryahaas.

Haweenka la toogtay iyo ninka gacanta laga jaray ayaa dhammaantood ah Somali iyadoo booliisku aysan ka hadlin weli dhibaatooyinka loo geysanayo qoxootiga ku nool xeryahaas oo Soomaali ah.

Madaxweynaha Kenya ayaa horraantii bishan wuxuu ka dalbaday hay'adaha ka shaqeeya samofalka inay dowladdiisa gacan ka siiyaan sidii ay qoxootiga ku jira xeryaha Dhadhaab loogu celin lahaa deegaannada ku yaalla Koonfurta Soomaaliya ee Al-shabaab laga saaray.

Xeryaha ku yaalla deegaanka Dhadhaab ee Kenya ayaa waxaa ku jira in ku dhow nus malyuun qof oo qoxooti Soomaaliyeed ah; kuwaasoo ka cararay dagaallada iyo abaaraha ka taagan Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya