4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 18, 2012
Somaliland oo si weyn looga xusay Sanad guuraddii 21aad ee ka soo wareegtay madax-bannaanida Somaliland


Jimco, May 18, 2012 (HOL)- sanad guuradii 21aad ee ka soo wareegtay markii somaliland ka go’day soomaaliya inteedda kale  18 May 1991kii, ayaa maanta si weyn looga dabaal degay magaalooyinka waaweyn ee somaliland.

Kumanaankun oo qof oo dadweynaha magaaladda Hargeysa ah, ayaa hiirtii waaberi usoo jarmaaday garoonka weyn ee Beertaxoriyadda, kuwaas oo calanka somaliland siyaabo kala duwan usoo xidhay, qaar dhar ka dhigtay, kuwa dalad ka dhigtay iyo qaar wajiga ku soo xardhayba.

Guud ahaanba Meheradii ganacsi iyo shaqooyinkiiba ayaa la soo wada xidhay, waxaanay wadooyinka iyo studio-yadda magaaladda ku yaalla laga wada saaray heeso wadaniya, iyagoo baabuurta lagu rakibay sameecado waaweyn, isla markaana dhalinyaradu xaga sare ka fuuleen baabuurtaasi iyagoo lulaya calanka somaliland.

Madaxda ugu saraysa somaliland oo uu hogaaminayo Madaxweynaha Somaliland Md: Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa iyagu dadweynaah kala soo qaybgalay xuska 21 guuradda madaxbanaanidda somaliland, waxaana halkaasi hadalo kookooban ka soo jeediyey xisbiyadda Qaranka, maayarka Hargeysa iyo wasiirka Arrimaha gudaha, waxaana soo gabogabeeyey madaxweynaha Somaliland, isagoo khudbadiisa ku soo qaaday taariikhdii somaliland soo martay, siyaasadda uu hadda dalka ku waddo iyo mustaqbalka Somaliland .


Madaxweyne Axmed Siilaanyo  ayaa u duceeyey dadkii wax ka soo dhisay qaranka Somaliland waxa kale oo uu sheegay qolooyinka siyaasadda ee wax tirsanaya inay janiskooda iska sugaan, maadaama oo samirku fiican yahay, waxaanu xusay in isaga sideetan cod kaga tanaasulay wakhtigii doorashadii 2003dii, balse u iska samray, isagoo dardaaran faray qofkasta oo hunguri ka qabo siyaasadda hadii sidii uu doonayey u dhici waydo uu dulqaato, dantiisa ka horumariyo danta guud, isagoo somaliland ku tilmaamay qori isku dhiib maalinba nin loo dhiibayo.

Mar uu madaxweynuhu ka hadlay wada hadalkii u dhexeeyey somaliland iyo Somalia, waxa uu yidhi “Innagu dhinaceena wada hadalkaa intii innagaga beegnayd waynu fulinay walaaleheena Soomaaliyana waxaan ka rajaynayaa inay dhinacooda ka soo fudaydiyaan wixii ku xidhan, iyagoo qadarinaya go’aankii loo dhamaa ee beesha caalamka”

Sidoo kale, waxa uu la dardaarmay madaxda soomaaliya, oo uu sheegay inay shacabka soomaaliyeed u tudhaan, isla markaana dantooda ka horaysiiyaan danta caamka ah ee bulshadda soomaaliyeed ee ay madaxda u yihiin, isagoo sheegay inuu ka xun yahay dhibaatadda ay wehelka la noqdeen shacabka soomaaliyeed.


Inkastoo sanadkan dawladdu aanay si weyn u abaabulin xuska sanadkan, balse dadka ayaa iskood isku soo abaabulay, iyadoo dhalinyaradu xalay aanay magaaladda ka seexan, iyagoo baabuur ay calanka somaliland ku xardheen la wareegayey wadooyinka magaaladda Hargeysa, qaarkoodna ku mashquulsanayeen macradada baabuurta lagu kireeyo oo ay baabuurta ka soo kiraysanayeen.

Dadweynaha qaar ayaa u haystay in maalinta jimcaha darteed dib loogu dhigay xuska maalinta sabtida, haseyeeshee, waxa ay ku waabeeristeen Hoonka baabuurta iyo sameecadda qayladda weyn ee lagu rakibay ee heesaha wadaniga ah ka baxayeen, taas ayaa keentay in dadku aad iskugu soo baxo.

Si kastaba ha ahaate, xafladdo kale oo iyana lagu weynayno maalintan ayaa caawa ka dhici doonta qasriga madaxtooyadda, iyadoo hoteladda qaarkoodna ay fanaaniintu ku dhigi doonaan bandhigyo heeso ah.













Barkhad-Ladiif M. Cumar
[email protected]
Hargeysa, Somaliland