4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 17, 2012
Danjiraha UK ee Qaramada Modoobay oo sheegay in Caalamku diyaar u yahay in tallaabo laga qaado cid kasta oo is-hortaagta geeddi-socodka nabadda Soomaaliya

Khamiis, May 17, 2012 (HOL) — Hadal uu danjire Ingiriiska ee Qaramada Midoobay, Philip Parham ka jeediyay shirkii golaha ammaanka ee Ummadaha Midoobay ay kaga hadleen Soomaaliya ayaa soo jeediyay in mudnaanta koowaad la siiyo geeddi-socodka siyaasadda dalka Soomaaliya, isagoo u digay kuwa doonaya inay carqaladeeyaan geeddi-socodka nabadda.

Mr. Philip ayaa uga mahadceliyay madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif sida uu uga hadlayo xaaladda dalka Soomaaliya xilligan aadka u adag, isagoo sidoo kale ka mahadceliyay warbixintii uu dajire Augustine Mahiga kaga hadlay arrimaha dalka Soomalaiya.

Danjiraha UN ee UN-ka ayaa wuxuu ka dalbaday madaxweynaha Soomaaliya inuu xoogga saaro laba arrimood oo kala ah: geeddi-socodka nabadda iyo ammaanka Soomaaliya.

"Arrinta mudnaanta koowaad aan siinayno waa in geeddi-socodka nabadda ee Soomaaliya uu ahaado mid ku fula waqtiga loogu talogalay oo ay ka harsan tahay saddex bilood oo keliya," ayuu yiri Philip, isagoo intaas ku daray in mas’uuliyadda ugu dambeysa ee hubinta dhameystirka xilliga KMG ay leeyihiin hoggaamiyeyaasha Soomaalida.

Wuxuu intaas ku daray in beesha caalamka ay dhaqaale ku bixinayso sidii lagu meel marin lahaa qorshahan, isagoo xusay in Ingiriiska uu Qaramada Midoobay siinayo hal milyan oo gini si ay u taageerto geeddi-socodka nabadda Soomaaliya, waxaa sidoo kale ay bixinaysaa taageero shaqaale farsamo, isagoo ugu baaqay dalalka kale inay iyaguna bixiyaan taageero la jaanqaadeysa baahiyaha ay Qaramada Midoobey soo ogaatay.

Danjiruhu wuxuu sheegay in sidoo kale geeddi-socodka nabadda Soomaaliya la siiyo dhiirrigelin ku filan, isla markaana la muujiyo in beesha caalamku ay diyaar u tahay in tallaabo laga qaado cid kasta oo isku dayda inay is-hortaagto geeddi-socodka nabadda Soomaaliya ama daciifiso.

"Waxaan soo dhoweynayaa waraaqdii ay Qaramada Midoobey, Midowga Afrika iyo IGAD ay soo saareen ee ka hadleysey kuwa suuragalka ay tahay in ay kharribaan geeddi-socodka. Waxaan mar kale xaqiijinayaa in ay UK ka go’an tahay in ay tallaabo ka qaaddo kuwa isku daya in ay kharibaan geeddi-socodka, kharibaaddaas oo ay ka mid tahay iskuday kasta oo lagu doonayo in saameyn gurracan lagu yeesho soo xulidda xubnaha Golaha Ta’siisiga.

Sidoo kale, danjiruhu wuxuu sheegay inay jiraan warar soo baxaya oo sheegaya in dadweynuhu aanay ku faraxsaneyn geeddi-socodka. Waxaan jeclahay buu yiri in aan caddeeyo in qabista fikrad ka duwan geeddi-socodka laftiisa aanay ahayn mid kharibaad ah.

"Ka biyo-diidistu ma aha wax xun – waxay tusaale u tahay sida loogu lug-leeyahay geeddi-socodka. Dood dadweynaha lala yeesho waa arrin muhiim ah oo ka mid ah dimuqraaddiyadda. Laakiin waxaa aad muhiim u ah in geeddi-socodka meel looga banneeyo kuwa ka biyo-diidsan si loo maqlo codkooda loona tixgeliyo fikirkooda iyadoo aan waddada laga leexin geeddi-socodka gebi ahaantiisaba," ayuu Danjirhuhu yiri.

Ugu dambeyn, wuxuu sheegay in Soomaaliya ay hadda geleyso waqti muhiim ah, saxiixayaasha Garoowena looga baahan yahay inay qaybtooda ka qaataan nabad kusoo celinta Soomaaliya kaddib 21-sano oo dagaal socday iyo inay wanaajiyaan nolosha kumannaan qof oo Soomaali ah iyo inay Soomaaliya kusoo ridaan waddada dib-u-soo-kabashada.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya