4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 17, 2012
Maxkamadda Ciidamadda Somaliland oo toogasho iyo Xabsi dheer ku xukuntay dabley weerartay Xero Ciidan

Khamiis, May 17, 2012 (HOL) — Gudoomiyaha Maxkamadda sare ee Milatariga Somaliland, Col.Yuusuf Faarax Sharmarke ayaa Dablay hubaysan oo weerar ku soo qaaday Ciidanka Milatariga Somaliland xukuno kala duwan ku xukuntay, ka dib markii eedihii lagu soo eedeeyey ay uu sheegay inay qirteen maxaabiistu.

Dablaydan hubaysnayd ee weerarka ku soo qaaday xero ciidan oo ku taalla bariga magaaladda Hargeysa, oo iyagu ku dooday inay dhul ay leeyihiin oo ciidanku degan yahay soo dhacsanayeen ayaa 28 qof oo laga qabtay dablaydaasi 22 ka mid ah xukuno kala duwan lagu xukumay, iyadoo 17 ka mid ah lagu xukumay dil, shan ka mid ahna xabsidaayin, halka saddex ka mid ahna la siidaayey oo dambi lagu waayey, saddex dhaawac culus qabana maxkamaddu xukunkeedda dib u dhigtay inta ay ka bogsanayaan.

Gudoomiyaha Maxkamaddan militariga, ayaa warbaahinta u sheegay in maxkamaddu ay socotay saacado badan, isla markaana ay eedeysanayaashu afkooda ka qirteen inay dambigaasi galeen, kuna dooday inay dhulka ay leeyihiin oo ka awoow ka awoow ay lahaayeen, kuwaas oo doonayey inay soo ceshadaan maadaama oo laga haysto.

Gudoomiyaha maxkamadda sare ee Milatiriga ayaa sheegay in xeerarka iyo dastuurka somaliland u fasaxayo inay maxkamadda milatariga la soo taago, isla markaana xukuno kala duwan lagu riddo.

Waa markii ugu horaysay oo maxkamad milatari ay dad Rayid ah ay xukunno aad u culculis ku rido, waana markii ugu horaysay oo dad shacab ah ay xero ciidan weerar ku qaadaan, taas oo dhimasho iyo dhaawacba keentay labadda dhinacba, iyadoo ilaa toddoba qof ku dhinteen iska hor imaadkaasi dhexmaray dablayda iyo ciidanka Milatiriga.

Dablaydan ayaa sheegay in ciidanku ka haysto dhul ay leeyihiin, isla markaana arrimahoodda wax laga qaban waayey, taasina ay keentay inay xoog ku soo gacan gashadaan dhulkooda.

Sidoo, kale isku soo bax lagu diidan yahay go’aankaasi maxkamadda ka soo baxay ayaa xalay ka dhacay xaafadda New Hargeysa ee bariga magaaladda Hargeysa, kuwaas oo laamidda ka baxda magaaladda ee tagta magaaladda Berbera taayiro ku gubay, dhagaxna ku xidhay, inkastoo arkii dambe madax dhaqameedka shacabkaasi isku soo baxa sameeyey ay ala dareeriyeen dadkii.

Barkhad-Ladiif M. Cumar
[email protected]
Hargeysa, Somaliland