4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 16, 2012
Maamulka Gobolka Banaadir oo magacaabay Afhayeen cusub kaddib markii xilka laga qaaday Afhayeenkii hore

Arbaco, May 16, 2012 (HOL) — Wareegto kasoo baxday xafiiska guddoomiyaha gobolka Banaadir ee dowladda KMG ah, Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa lagu magacaabay afhayeen cusub oo uu yeesho maamulka gobolka Banaadir, kaddib markii xilka laga qaaday afhayeenkii hore.

Afhayeenka cusub ee maamulka gobolka Banaadir ayaa waxaa loo magacaabay, Maxamed Yuusuf, iyadoo wareegtada in la magacaabay afhayeenkan cusub kaddib markii la ogaaday baahida uu maamulka gobolku u qabo afhayeen.

"Magacaabidda afhayeenkan waxay timid kaddib markii xil gudasho la'aan xilka afhayeenka maamulkam gobolka looga qaaday afhayeenkii hore oo shaqeynayay muddo sannad iyo bar ah," ayuu yiri xoghayaha maamulka gobolka Banaadir, C/kaafi Hilowle Cismaan oo saxaafadda u akhriyay wareegtada magacaabidda ah.

Afhayeenkii hore ee maamulka gobolka Banaadir, Maxamed Cabdullaahi Cariig oo xilka laga qaaday maalmo yar ka hor oo saxaafadda la hadlay ayaa isaguna xusay in xilka qaadista lagu sameeyay ay tahay mid khasab ah u sameeyay guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir.

Ugu dambeyn, afhayeenkii hore ee maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay in tan iyo markii xilka laga qaaday uu la kulmay hanjabaadyo kaga imaanaya maamulka gobolka banaadir.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa wuxuu howlo dib u dhis ah ka wadaa magaalada Muqdisho, iyadoo howsha dayactirka ah ay u badan tahay jidka Maka Al-Mukarama oo isku xira madaxtooyada iyo isgoyska KM-4 ee Muqdisho.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya