4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 15, 2012
Madaxweynaha Soomaaliya oo khudbad ka jeediyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay (DAAWO)

Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed
Talaado, May 15, 2012(HOL): Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa maanta khudbad ka jeediyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo arrimaha Soomaaliya shir ka lahaa, iyadoo khudbaddiisana ay dhinacyo badan  taabaneysay.

 

Waxaa uu khudbaddiisa ku soo qaaday Madaxweynaha qabyo-qoraalka dastuurka loo sameynayo Soomaaliya oo haatan oday-dhaqameedyo ay u fadhiyaan soo xulista ergooyinkii ansixin lahaa, wuxuuna sheegay in dastuurkani uu yahay midka ugu fiican dastuurrada caalamka, wuxuuna caddeeyay in waqti badan la geliyay sameynta dastuurkan.

 

Sidoo kale madaxweynaha Soomaaliya waxaa uu khudbadiisa ku soo qaaday wada hadallo ay yeelanayaan dowladda Soomaaliya iyo Somaliland, wuxuuna Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ka codsaday in Soomaaliya lagu gacan-siiyo shirweyne dib-u-heshiisiineed oo lagu ilaalinayo midnimada Soomaaliya, dadka Soomaaliyeedna ay nabad ku heli lahaayeen.

 

Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo shirkaas kaddib saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in khudbaddiisii ay ku saabsaneyd warbixin uu ka siiyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay halka ay marayaan arrimihii roadmap-ka, gaar ahaan halka ay Soomaaliya hadda taagan tahay, halka loo socdo kumeel gaarka kaddib, aammanka dalka iyo arrimaha gargaarka Bani’aadannimada.

 

Madaxweynaha waxaaa uu sheegay in dareenka beesha Caalamka ee Soomaaliya uu haatan fiican yahay marka la eego Shirka Qaramada Midoobay ee uu maanta ka yeeshay arrimaha Soomaaliya, Shirkii London ee dowladaha badan ay ka qeybgaleen iyo shirka soo socda ee Stanbul lagu qaban doono.

 

Wuxuu sheegay in ay ku faraxsan yihiin sida uu shirka u dhacay iyo dareenka beesha Caalamka ee Arrimaha Soomaaliya.
 

Madaxweynaha oo ka jawaabaya su’aalo laga weydiiyay la-dagaalanka burcad badeedda ee Yurub iyo arrimo kale oo ku saabsan ammaanka ka daawo shirka jaraa’id oo Af-Soomaali ku baxaya.


Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

[email protected]