4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 15, 2012
Ciidamada Booliiska Kenya oo Qarax khasaare nafeed geystay lagula eegtay Xeryaha Qoxootiga Dhadhaab-Kenya

Talaado, May 15, 2012 (HOL) — Sakaal ka tirsan ciidamada booliiska Kenya ayaa ku dhintay laba kalena dhaawacyo culus ayaa kasoo gaaray kaddib qarax miino oo maanta lagula eegtay xeryaha qoxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya.

Ciidamada dhaawaca iyo dhimashada ay kasoo gaartay qaraxa miino ayaa ilaalo ka ahaa gaadiid ay lahaayeen hay'adaha samofalka ee ka shaqeeya xeryaha qoxootiga Dhadhaab oo ku yaalla waqooyiga bari ee Kenya.

"Sarkaal booliiska ka tirsan ayaa ku dhintay, laba kalena dhaawacyo ayaa kasoo gaaray qarax miino oo lagu weeraray gaari ay wateen," sidaas waxaa saxaafadda u xaqiijiyay taliyaha booliiska gobolka waqooyi-bari ee dalka Kenya, Leo Nyongesa.

Ma jirto cid sheegatay inay mas'uul ka tahay weerarkaas miino iyo sidoo kale inay ahayd mid laga hago rumuudta iyo mid meesha lagu sii aasay oo ku qaraxda culeyska.

Xeryaha Dhadhaab ee dalka Kenya oo ka koobaan illaa saddex xero ayaa waxaa ku jiray 450,000 oo qoxooti Soomaaliyeed ah, waxaana meel ku dhow soohdinta ay labada dal wadaagaan.

Tan iyo markii ay Kenya kumannaan askarteeda ah u dirtay Soomaaliya waxaa kordhayay qaraxyada ka dhacaya dalka Kenya, kuwaasoo khasaare nafeed u geystay ciidamada iyo shacabka dalka Kenya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya