4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 14, 2012
Guddoomiyaha gobollka Hiiraan oo ka qeyb-galay munaasabad gaadiid lagu guddoonsiinayay Jaamacada Hiiraan University


Isniin, May, 14, 2012 (HOL)   -- Munaasabad ay ka soo qeyb-galeen mas’uuliyiinta maamulka gobollka Hiiraan, ardeyda Jaamacada Hiiraan Universaty, Waxgarad iyo Aqoon-yahanno, ayaa looga mahad celiyay Jaaliyaddaha Hiiraan ee dalka dibadiisa labo Bas oo ay ugu deeqeen Ardeyda Jaamacada.

 

Guddoomiyaha maamulka gobollka Hiiraan C/fitaax Xassan Afrax oo munaasabada ka qeyb-galay ayaa sheegay in maamulkiisa waxyaabaha ugu horeeyay ee uu xooga saarayo ka mid tahay waxbarashada iyo sidii horay loogu sii dhaqaajin lahaa, gaar ahaan waxaa uga mahad celiyay maamulka Jaamacada Hiiraan waqtiga adag oo ay ku shaqeynayaan, isaga oo dhinaca kalana ka mahad celiyay gadiidka loogu deeqay Jaamacada.

 

‘’Waxbarashada waa muhiim, waliba annaga waxaan u aragnaa arinta farxad leh in maanta ardeydii gobollka waxbarasho heer Jaamacadeed ah ku heystaan gobollkooda, waa arrin lagu farxo,’’ ayuu yiri,’’ guddoomiyaha maamulka gobollka Hiiraan.

 

Sidoo kale waxaa munaasabada ka hadlay Keynadiid Muumin Cali madaxa hay’addaha samafalka maamulka gobollka Hiiraan oo sheegay in uu xasuusto xili gobollka Jaamacado looga aadi jiray qeybaha kale ee dalka, laakiin arin soo dhaaweyn mudan tahay in maanta gobollka ka jiraan Jaamacado ay wax ka baran karaa ardeyda iyaga oo waliba gurigooda jooga.

 

Madaxa Jaamacada Hiiraan Universaty ‘’HU” Cismaan Max’ed Cilmi ‘’Cismaan Caato’’ oo isagana ka  hadllay goobta ayaa sheegay in Basaskan loogu deeqay Jaamacada weyn ka tari doonaan habsami u socodka waxbarashada, maadaama ardeyda wax ka barata Jaamacada ay ka kala yimaadaan xaafaddaha kala gadisan ee magaalada una baahan yihiin gadiid soo gaarsiiya xarunta Jaamacada.

 


 
‘’Waan ka mahad celineynaa deeqdan la soo gaarsiiyay Jaamacada, waliba marka la eego ah deeq ay siweyn ugu baahneyd, waxaana rajeynayaa in talaabadan noqon doonto mid dhiirigalin u ah Ardeyda iyo guud ahaanba maamulka Jaamacada,’’ ayuu yiri,’’ Madaxa Jaamacada Hiiraan Universaty.

 

Ka qeyb-galayaasha oo u badnaa ardeyda wax ka barta Jaamacada ayaa dhinacooda soo dhaweeyay deeqda la soo gaarsiiyay, waxaana ay maamulka gobollka ka codsadeen in dib loogu howlgaliyo dhismihii Jaamacada Hiiraan Universaty oo hadda saldhig u ah ciidamada dowladda Itoobiya.

 

Madaxa Jaamacada Hiiraan Unversity Cismaan Caato ayaa dhinaca kale u sheegay HOL in hay’adda MSF Swiss ee hadda gacanta ku heysa Isbitaalka weyn ee degmada Beledweyne u ogolaatay Jaamacada in ardeyda barata caafimaadka marka ay u baahdaan tagi karaa Isbitaalka iyaga oo ku howlgalaya maadooyinkii ay barteen, taasoo sare u qaadeysa aqoonta ardeyda.





C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

[email protected]

Beledweyne, Soomaaliya.