4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 14, 2012
Ciidamada Badda Turkiga oo burcadbadeed Soomaaliyeed ka furtay Kalluumeysato Yamaniyiin ah oo ay afduub ku haysteen

Isniin, May 14, 2012 (HOL) — Ciidamada badda Turkiga ayaa qabtay 14-burcad-badeed Soomaaliyeed ah kaddib markii ay ku weerareen meel ku dhow xeebaha dalka Cummaan, waxayna howlgalkaas ku furteen kalluumeysato Yemeniyiin ah oo tiradoodu ahayd toddoba ruux.

Howlgalkan oo dhacay Jimcihii lasoo dhaafay ayaa waxaa qayb ka qaatay diyaarad kuwa qummaatiga u kaca ah, waxaana ciidamada howlgalka sameeyay ay ka mid ahaayeen kuwa NATO ee ka howglaya biyaha Soomaaliya.

Ciidamada kumaandoosta Turkiga ayaa la sheegay inay u dhaceen doonida ayna ku qabteen kooxdii burcadbadeedda ahaa, iyagoo doonida dhexdeeda ka helay hub isugu jiray sagaal qoryaha fudud ah, baasuuke iyo qalab kale.

Burcadbadeeddii Soomaalida ahaa ee la qabtay ayaa weli gacanta uga jira ciidamada badda Turkiga, waxaana sidoo kaleay ciidamada badda Turkigu gacanta ku hayaan kalluumeysatiada Yemeniyiinta ah.

Tallaabadan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay oo ay ciidamada badda Turkiga ee qaybta ka ah howgalka NATO ku qabtaan burcadbadeed Soomaaliyeed ayna kasii daayaan kalluumeysato ay afduub u haysteen.

Hay'adda badaha caalamka ee IMB ayaa sheegtay in sannadkan ah dunida oo dhan ka dhacreen 439-fal burcadbadeednimo ah, kuwaasoo ay sheegtay in intooda badan ay ka dhaceen Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya