9/22/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 12, 2012
Mid ka mid ah Askarta Uganda ee ka tirsan AMISOM oo xabsi ku muteystay rasaas uu ka iibiyay wiil Soomaaliyeed

Sabti, May 12, 2012 (HOL) — Askari u dhashay dalka Uganad kana tirsanaa ciidanka AMSIOM ee ka howlgala Muqdisho ayaa la xukumay kaddib markii uu rasaas ka iibiyay wiil Soomaali ah.

Mubarak Magiri oo ah askarta la xukumay ayaa qirtay inuu ka iibiyay wiil Soomaali ah 35-xabbadood oo rasaas ah 24-kii bishii Maarso ee sannadkan markaasoo uu ku sugnaa mid ka mid ah xeryaha ciidamada Uganda ay ku leeyihiin Muqdisho.

Askariga ayaa lagu xukumay hal sano oo xabsi ah, iyadoo sidoo kalena laga eryay shaqada ciidankam, kaddib markii la sheegay inuu ku guuldareystay inuu ilaaliyo hubkii loogu talogalay inuu isku difaaco.

Qareennadda u doodaya askariga oo lagu magacaabo, Marion Benibella ayaa ka dalbatay maxkamadda in la horkeeno maxkamadda guddiga anshaxa ee dambiga ku helay askariga, si ay uga hor-caddeeyaan maxkamadda, balse taas waa la diiday.

Xukunka askarigan ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo dowladda Uganda ay ciidammo dheeraad ah u soo dirtay Soomaaliya si ay ugu xoojiso AMISOM, iyadoo ay jireen askar ka tirsan Uganda oo horay dambiyo kala duwan loogu eedeeyay.

Ciidamada AMISOM ayaa waxay tiradoodu gaaraysaa 17,000 oo askari waxayna ka socdaan dalalka Uganda, Burundi, Kenya, Jabuuti iyo Sierra Leone, waxayna gacan ka siinayaan ciidamada dowladda KMG ah sidii ay ula wareegi lahayd dalka oo dhan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
5/12/2012 9:21 AM EST
Sabti, May 12, 2012(HOL) — Waxaa manta Magaalada Cabudwaaq ka dhacay isu imaatin loogu baroordiqayay Xildhibaannadi naftooda qaaliga ah ku waayay qaraxii ka dhacay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

5/12/2012 8:57 AM EST
Sabti, May 12, 2012 (HOL) — Waxaa maanta magaalada Doolow ee Gobolka Gedo tababar ciidan loogu soo xiray 1,500 oo askari kuwaasoo bilooyinkii u danbeeyay uu halkaasi uga socday tababar Militari.

5/12/2012 8:42 AM EST
Sabti, May 12, 2012 (HOL) — Dowladda Iiraan ayaa sheegtay inay dhawaan u dirayso Soomaaliya shixnadii 15-aad oo gargaar bani'aadamnimo ah, taasoo isugu jirta raashin iyo dawo.

5/12/2012 8:25 AM EST
Sabti, May 12, 2012 (HOL) — Madaxweynnaha Somaliland, Md: Axmed Maxamed Maxamuud Siillaanyo, iyo Wefti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa maanta safar shaqo ku tagay gobolka Awdal ee somaliland, waxaanu xadhiga ka jaray waddo cusub oo laga hirgaliyey Dilla ilaa Boorame.

5/12/2012 8:10 AM EST
Sabti, May 12, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Maxamed Cali ayaa sheegay in fikirka ku aaddan dastuurka ee Puntland ayaa ku sheegay mid la mid ah fikirka ay dadku ka qabaan dastuurka.

5/12/2012 7:28 AM EST
Sabti, May 12, 2012 (HOL) — Booliska Kenya ayaa xeryaha qoxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya ku qabqabtay shalay gallinkii dambe illaa xalay in ka badan boqol qof, kuwaasoo lagu eedeeyay inay ku ku lug lahaayeen falalka amni-darro oo ka dhaca xeryahaas.

5/12/2012 7:09 AM EST
Sabti, May 12, 2012 (HOL) — Hay'adda Midowga Dhallinyarada Soomaaliyeed (UYS) ayaa maanta dood-cilmiyeed hal-ku-dhiggiisu ahaa adkeynta nabada ugu qabatay Muqdisho odayaasha-dhaqanka.

5/12/2012 6:26 AM EST
Sabti, May 12, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan. Cabdifitaax Xasan Afrax ayaa sheegay in maamulkiisu uu wax badan ka qabtay muddadii uu xilka hayay arrimaha amaanka, samafalka iyo weliba dib-u-dhiska.

5/12/2012 6:26 AM EST
Sabti, May 12, 2012 (HOL) — Boqollaal Haween ah oo ay nolosha qoyskoodu ku tiirsanayd ka ganacsiga qaadka ayaa ka cabanaya shaqo la'aan iyo xaalado nolol xumo oo soo foodsaaray, kadib markii dhawaan xoogagga Al-shabaab ay gabi ahaanba mamnuuceen ka ganacsiga Qaadka.

5/12/2012 3:34 AM EST
Sabti, May 12, 2012 (HOL) — Maamul-goboleedka Puntland ayaa kasoo horjeestay dastuurka cusub ee Soomaaliya, iyagoo ku sheegay inuusan ahayn dastuur u qalma in lagu hoggaamiyo Soomaaliya.

5/12/2012 3:20 AM EST
Sabti, May 12, 2012 (HOL) — Xildhibaan Maxamed Raage oo ka mid ah xubanaha dowladda KMG ah ee ku sugan gobolka Jubbada hoose ayaa sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya ee gobolkaas ku sugan ay qabteen dagaalyahan Kenyan ah oo ka tirsan Al-shabaab.

5/12/2012 3:01 AM EST
Sabti, May 12, 2012 (HOL) — Hoggaamiyaha Al-Qaacida, Dr Ayman Al-Zawahiri oo Internet-ka soo diray cajalad maqal iyo muuqaal ah ayaa kula taliyay Al-shabaab in dagaalkooda ay u bedelaan qaab jabhadeyn ah ayna la dagaalamaan ciidamada DKMG ah iyo kuwa kale ee ku sugan Soomaaliya.

5/12/2012 1:58 AM EST
Sabti, May 12, 2012 - Waxaa magaalada Helsinki ee dalka Finland maanta lagu soo gabagabeeyay kulankii Qoreyaasha Soomaaliyeed ee shalay & maanta ka socday deegaannada Espoo Kiskus & Espoo Enteresse isla markaana ay ka soo qeybgaleen qeybaha bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Helsinki.

5/12/2012 1:24 AM EST
Sabti, May 12, 2012 (HOL) - Banaan baxaan oo salaaddii jimcaha kadib ka dhacay iridda hore xarunta weyn ee bangiga Wellsfargo ku leeyahay bartamaha magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota, ayaa waxaa ka soo qeybgalay boqolaal Soomaali ah, oo ka gadoodsan wada-shaqeyn la’aanta bangiyada iyo xirnaashaha xawaaladaha Soomaalida.