4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 12, 2012
Ururka Midowga Dhallinyarada Soomaaliyeed oo Dood-cilmiyeed ugu qabtay Muqdisho Odayaasha-dhaqanka


Sabti, May 12, 2012 (HOL) — Ururka Midowga Dhallinyarada Soomaaliyeed (UYS) ayaa maanta dood-cilmiyeed hal-ku-dhiggiisu ahaa adkeynta nabada ugu qabatay Muqdisho odayaasha-dhaqanka.

Dood-cilmiyeedkan oo socday muddo saacado ah ayaa lagu lafa-garay xaaladda kala-guurka ee uu dalku ku jiro iyo sidii looga gudbi lahaa marxaladihii lasoo maray si aan dib loogu laaban.

Abuukar Sheekh Cusmaan (Abuukar Ganey) oo hadal ku furay doodda ayaa sheegay inay wanaagsan tahay in wax walba dhinaca horumarka laga eego, isagoo xusay in ummadda Soomaaliyeed ay soo mareen dhibaatooyin iyo colaado haatanna la joogo xilligii horumarka iyo nabada.

"Qof kasta oo Soomaali ah haddii aqoon-yahan uu yahay, haddii siyaasi uu yahay, haddii dhallinyaro uu yahay iyo haddii uu yahay oday ama wadaad waxaa saaran waajib ah inaan dib loo noqon marxaladii lasoo maray, waana in dadaal dheeraad ah lagu bixiyo sidii looga bixi lahaa kooxeysiga loogana shaqeyn lahaa danta ummadda," ayuu yiri Abuukar Ganey.

Xildhibaan Cali Seeko oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka ayaa UYS ku guubaabiyay inay sii wado wacyi-gelinta iyo kulammada looga hadlayo nabadda si bulshada u gaaraan himiladooda.

"Waxaan ku gubaabinayaa hay'adda UYS inay sii waddo howsha baaxada leh ee ay bulshada u heyso, waxaa kaloo muhiim ah in la xoojiyo nabadda iyo is-dhex-galka bulshada oo aan dib loogu laaban sannadkii 1992-kii," ayuu yiri xildhibaan Seeko.

Xildhibaanka ayaa sheegay in loo baahan yahay in la isku xirnaado, min degmo, waax illaa laan; dadkana ay noqdaan kuwo iska-war-qaba, taasoo uu sheegay inay tahay midda keliya ee nabadda lagu gaari karo.

Caaqil Xasan Cilmi Yaxye oo ka mid ahaa odayaashii-dhaqanka ee doodda ka qayb-galay ayaa sheegay in loo baahan yahay in la iska kaashado sidii danta dalka looga shaqeyn lahaa, isagoo sheegay in taasi ay hormkuud u noqon karaan odayaasha-dhaqanka.

"Odayaasha-dhaqanka waa maamulka bulshada, burburkii dowladnimada waa mid ku timid dhaqan la'aan, dadka kuwa xalin jiray waa dhaqanka, dhibaato kasta oo dalka ka dhacdana way xallin jireen," ayuu yiri Caaqil Yaxye .

Sidoo kale; waxaa ka hadlay doodda Xasan Maxamed Diirshe, C/llaahi C/lle Weheliye iyagoo hoosta ka xarriiqay in xilliga kala guurka aanay ka faa'ideysan kooxaha kale, gaar ahaana inaysan Al-shabaab fursad u noqon is-qab-qabsiga dowladda.

Maxamed Jaamca Dirir oo ka mid ahaa madax-dhaqameedyadii ka qaybgalya doodda ayaa isna sheegay in odayaashu ay tubta toosan ku hagi karaan shacbaka, maadaama aysan iyagu weligood qori qaadan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya